December 4, 2012 | Posted by admin

Wasaaradda Garsoorka Iyo Cadaalada ayaa sheegtay inay diayarisay garsoorayaal iyo xafiisyadii maxkamada Garsoorka dalka ee ka howlgeli lahaa maagalada Marka iyo degmooyinka xorta ah ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalada C/lahi Abyan Nuur ayaa sheegay in si deg deg ah loo furi doono xafiiyadii maxkamadiha degmooyinka iyo tan gobolka Shabeellaha hoose.

Sidoo kale wasiirka ayaa ka hadlay qorshaha wasaarada ee ku aadan sidii dalka oo dhan looga hirgeli lahaa garsoorka, isagoo xusay in Maxkamadaha laga furi doono deegaan kasta oo laga xoreeyo malleeshiyaadka Shabaab, wuxuuna intaa ku daray in Maxkamadaha oo adeegyadoodu u dhameystiranyihiin ay deg deg uga howlgelidoonaan gobolka Shabeelaha Hoose.

Arintan ayaa muujineysa sida dowladda uga go’antahay in dalka oo dhan ay ka hirgeliso nidaamka garsoorka iyo caddaalada.

COMMENTS