July 8, 2014 | Posted by admin

Maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday nin ka tirsan Shabaab kaa oo ka dambeyey qaraxii ka dhacay Hotelka Maka Al Mukarama sanadki la soo dhaafay.

Maxkamada ciidamada ayaa waxa ay dil ku xukuntay nin lagu magacaabo Caawiye Axmed Jaamac oo maxkamada ay ku eedeysay inuu ka dambeeyay weerar qarax oo ka dhacay 8-Bishii Novembar sanadkii tagay ka dhacay Hoteelka Maka Al-Mukarama.

Caawiye Axmed Jaamac oo 25 sano jir ah ayaa ku dhashay gobolka Togdheer sida maxkamada laga sheegay wuxuuna tababaro kusoo qaatay Gobalka Shabeelaha hoose gaar ahaan Degmada Buulo mareer.

Liibaan Cali Yarow Guddoomiyaha Maxkamada ciidanka qalabka sida ayaa ku dhawaaqay Xukunka oo uu ku sheegay in ay tahay dil toogasho, kaddib markii uu tilmaamay in uu qirtay falka qaraxa ah ee ka dhacay Hotelka, lana shaqeeyay Al-Shabaab.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukuno ku rida raga Shabaabka ka tirsan, balse ma jirto cid si toos ah loogu fuliyo xukunadaasi.

COMMENTS