March 23, 2017 | Posted by admin

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee soomaaliya ayaa Maanta Xukun Dil ah ku riday Rag ka tirsanaa Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo Horay Dil uga geestay Muqdisho.

Ragaan Xukunka lagu riday ayaa kala ahaa Cabdulaahi Xasan Maxamed 25 jir ah iyo Daahir Maxamed Maxamuud 27 jir ah oo Ka soo jeeda Gobalka sh/dhaxe Horayna dil uga geestay Degmada Howlwadaag.

Ragaan la xakumay ayaa dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Taraafikada ee Dowlada soomaaliya 25 1 2017 waxa ayna ku dileen Saldhiga Boliska Degmada Howlwadaag Xili Halkaasi uu Ku xirnaa Saacid Maxamuud.

Sidoo kale waxaa maxkamadu ay sheegtay in Risaas ay Fureen in ay ku dhaawaceen Sargaal ka tirsan Ciidanka Boliska soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday labada Askari.

Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS