April 25, 2017 | Posted by admin

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay Maanta mar kale ridi doonto Xukun Dil Toogasho ah sida ay wararku nagu soo gaarayaan.

Inkastoo aan weli la heyn Tirada Dadka ay Maxkamaddu Tooganeyso iyo waxa ay kala yihiin ayaa waxey ku soo aadeysaa Xilli Shalay Maxkamadda Ciidamada ay Baydhabo ka Fulisay Xukun Dil Toogasho ah oo lagu Fuliyay Afar Dagaalame oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab.

Maxkamada ayaa la sheegay in Halkaasi utagtay in ay fuliso xukuna kala duwan kuwaas oo lagu fulinayo Dad lagu soo eedeeyay Dimbiya kala gedisan.

La soco Faah faahinta.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS