April 24, 2017 | Posted by admin

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta Baydhabo ku xukuntay  4 Ruux oo lagu eedeeyay Qaraxyo in ay Maleegeen.

Afartan ruux oo lagu eedeeyay inay ka
tirsanaayeen Al-Shabaab ayaa lagu helay dambi
ah inay soo abaabuleen qaraxyo dad badan ku
dhinteen oo bishii February sanadkii hore ka
dhacay magaalada Baydhabo.
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta
60aad ayaa horay raggan dil toogasho ah ugu
xukuntay, iyadoo saakana lagu fuliyay dilka.
Toogashada ayaa saaka ka dhacday duleedka
magaalada Baydhabo, waxaana goob joog ka
ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee
Ciidamada qalabka sida Jen. Liibaan Cali Yarow
iyo Saraakiil kale.
Magaalada Baydhabo ayaa horay waxaa uga
dhacay xukuno dil ay fulisay Maxkamadda
ciidamada, iyadoo Maxkamadda dilal ku
xukuntay rag lagu soo eedeeyay inay ka tirsan
yihiin Al-Shabaab iyo askar dad shacab ah dilay

COMMENTS