May 25, 2017 | Posted by admin

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ku fulisay Yuusuf Xuseen Maxamuud oo ahaa ninkii dilay Taliyihii Nabadsugida Gobolka Sh/Dhexe C/wali Ibraahim Maxamed.

Taliyihii Nabadsugida Gobolka Sh/Dhexe ayaa la dilay 21-kii bishii June ee sanadkii hore, xilli lagu guda jiray bisha Ramadaan, waxaana dilka uu dhacay xilligii loo fadhiyay afurka.

Yuusuf Xuseen Maxamuud ayaa ka tirsanaa Ilaalada Taliyaha Nabadsugida ee Gobolka Shabeellaha Dhexe C/wali Ibraahim.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maalmo kaddib dil toogasho ku xukuntay ninkii, kaddib markii ay ku cadaatay dilka Taliyihii Nabadsugida.

Dilkan ayaa saaka ka dhacay fagaaraha School Polizio, halkaasoo ay ka dhacaan xukunada dilka ay fuliso Maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Maxamed daacad muqdisho.

[email protected].

COMMENTS