August 25, 2014 | Posted by admin

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa waxay isku diyaarineysaa tallaabo adag oo ay ka qaado waalidiin dhalay rag ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday dhageysiga dacwad ciqaabeedka tiro waalidiin ah, oo loo heysto inaanay Dowladdu ku soo wargelin in ubadkoodu ay ka tirsan yihiin Shabaabka, balse la ogaaday xilli caruurtooda hawlgalo lagu soo qab qabtay.

C/laahi Maxamed Muuse (Keyse), Afhayeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida, ayaa sidoo kale waalidiintaan ku eedeeyay in ay ka been sheegeen, in ubadkoodu ay ka tirsan yihiin Shabaabka, xilli cadeymo lagu helay.

Afhayeenka Maxkamada Ciidamada oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu ka gaabsaday nooca uu noqon doonto xukunka ay la damacsan yihiin, inay ku qaadaan waalidiinta ay gacanta ku hayaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay haddii wada shaqayn ay ka helaan waalidiinta, in ay guddoon-siin doonaan abaalmarino, haddiise aynaan sidaasi yeelina la soo qaban doono, kolka ubadkooda gacanta lagu soo dhigo.

Maxkamada Ciidamada, ayaa laba toddobaad ka hor kulan u qabatay qaar ka mid ah waalidiinta Somaliyeed ee degan Magaalada Muqdisho, waxayna ku boorisay inay soo sheegaan ubadkooda ka tirsan Al Shabaab, si looga gaashaanto khatarta ay ku yihiin bulshada.

COMMENTS