June 21, 2017 | Posted by admin

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku fulisay nin lagu Magacaabo Maxamed Aadan Cali Barrow  oo lagu eedeeyay in masaajid ku yaalla Magalaada Baydhabo ku dhax toogtay Allaha unaxariista Sheekh Maxamed Madeer oo Xilligaas Tukanayay Salaada Taraawiixda.

Gudoomiyaha Maxkamadda darajadda Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Maxamed Aadan Cali Barrow u qirtay  dilka u geystay  Sheekh Maxamed Madeer islamarkana maxakamadda ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Sido kale Guudoomiyaha Maxkamadda ciidmaada qalabka sida ee Soomalia Xassan Cali nuur shuute ayaa sheegay in labo nin oo kale oo gacan siiyay ninka dil u geystay sheekha lagu xukumay xabsi daa’in

COMMENTS