August 27, 2014 | Posted by admin

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ka dhabeysay hanjabaad ay horay ugu jeedisay waalidiinta caruurtoodu Alshabaab yihiin, waxeyna 6 bilood oo xabsi ah ku ridday aabbe dhalay wiil la sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab oo labo maalmood ka hor maxkamduu xukuntay.

Aabahaan la xukumay ayaa dhalay wiil lagu magacaabo Daahir Cismaan Cali oo loo yaqaano (Daahir Dayax), kaasoo ay shalay Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida, ay ku xukuntay xukun dil toogasho ah.

Daahir Dayax iyo nin kale oo maqan waxaa lagu helay, sida maxkamaddu tiri in ay ka dambeeyeen dilkii Allaha u naxariistee Yuusuf Xasan Cadow (Yuusuf Taraafiko), oo ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada ee Wadooyinka, kaasoo bilowgii bishii Ramadaan lagu dilay Degmada Kaaraan.

Maxkamada Ciidamada, ayaa waxay aabahaan ku eedeysay in uu dayacay wiilkiisii, isla-markaana uu ka gaabiyay in uu ku soo wargeliyo laamaha ammaanka, xubinimadiisa Shabaabnimo, si looga hortaggo khatartiisa.

Guddoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida, Col. C/raxmaan Maxamuud Tuur-yare ayaa sheegay in qofka dilka geystay iyo kii qariyay ay isku dambi yihiin, sida uu qabo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

“Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed qodobkiisa 283 ayaa qeexaya in qofki qariya xog amniga khatar ku ah uu dambiile yahay ciqaabna mudanayo, ciqaabtana qayb ayay ku yeelanayaan. Inkastoo aan ku xukumin ciqaabtaas, haddana ciqaab kale ayaa ku xukunnay, waalidka waa la xukumayaa, haddii marka carruurtiisa oo da’ yar ah aad ogtahay inay Al-shabaab yihiin aad qariso oo aadan dowladda u soo sheegin waa qarin xog amni”ayuu yiri Tuur-yare.

Isagoo sidii hadlaya ayuu mar kale yiri. “Qofkii dambi gala ee wax dila iyo kii qariya waa isku dambi… kitaabkeenna ayaa inoo sheegay, xeerkeenana wuu qeexayaa.”

“Cadowgu wuxuu mar walba isku dayayaa inuu dad ku yeesho shaqaalaha dowladda si uu xogo uga helo, Waxaan uga digaynaa shaqaalaha inay sii-yaan wax xog ah cadowga, waxaana u sheegayaa inay soo dhammaantay in xog lala wadaago Al-shabaab iyo wixii la mid ah, ayna dhammaantay xilligii la dhihi jiray dowladdu waa daciif ama laguma ogaanayo gacan bir ah ayaa ku qabanayaa ee la soco,” ayuu Tuur-yare ku hanjabay.

Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ayaa dhawaan ugu baaqday waaliddiinta Soomaaliyeed inay soo sheegaan carruurtooda ka tirsan Al-Shabaab, haddii kale ay mudan doonaan ciqaab.

COMMENTS
  1. Ali Islaw said:

    Xukunkaas waa xukun khaldan, micnaheeduna waa dadka ha la iska dilo.Naf waliba waxa ay kasbato ayey leedahay.
    Ilmahaan Caasi waalidiinta ah waxa ay galabsadaan in waarid loo dilo waxay ka mid tahay dulmii dalka Soomaaliya horey ugu dumay.
    Qof waliba waa ogyahay in caasi waa lidiin usan qofna la tashan
    wasaana dhihi lahaa yaan cuqubo lagagalin waalidiinta

    Ali Islaw
    Phoenix, AZ USA