June 19, 2017 | Posted by admin

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun dil ah ku fulisay allaha unaxriistii Ninkii dilay Wasiir Cabaas Siraaji.

Maxakmada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida oo Maal mahaan ufadhisay Xukunka Laba ruux oo ka kala tirsanaa Ciidamada Badda iyo Asluubta oo Horay loogu eedeeyay in ay Toogteen Wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya Cabaas Siraaji.

Makamada ayaa Maanta ku dhawaaqday Dilka Eedeeysanaha lagu Magacaabo Axmed Cabdullaahi Cabdi oo ka Tirsanaa Ciidamada dowlada Soomaaliya laguna soo eedeeyay Dilkii Wasiirka.

Gudoomiyaha Maxkmada Darajada Kowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuuti ayaa Ku dhawaaqay Xukunka.

Waxa uuna sheegay in Maanta la soo gaba gabeeyay xukunka islamarkaana Ay racfaan ufuran tahay Cidii aan ku qanacsaneen Dilka Maxkamada.

Sidoo kale Maxkamada ayaa sii daysay  cismaan Salaad Barre oo asna lagu waayay wax dambi ah sida uu ku dhawaaqay Xasan Cali Nuur shuuti.

Bilaawgii Bishii May ayay aheed markii meel udhaw Madaxtooyada Soomaaliya lagu dilay Wasiir Cabaas Siraaji.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected]

 

COMMENTS