August 26, 2014 | Posted by admin

Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya, ayaa waxay maanta u fariisatay dacwad ciqaabeedka laba nin oo ka tirsan Al Shabaab, oo loo heystay dilal ay ka kala geysteen Magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah waxaa loo heystay dil bishii October ee sanadkii hore Magaalada Muqdisho loogu geystay Wariye Maxamed Maxamuud Timacade, oo ka tirsanaa TV-ga Universal. Halka midka kalana lagu soo eedeeyay in uu dilay Cawil Xasan Maxamuud, oo isna ahaa askari ka tirsan Nabad Suggida.

Labada nin ee Maxkamada la horkeenay, ayaa lagu kala magacaabaa Cali Bashiir Cismaan iyo C/laahi Shariif Cismaan, waxayna Maxkamadu sheegtay in ay qirteen eedeymihii loo heystay.

Afhayeenka Maxkamadaa Ciidamada Qalabka Sida C/laahi Maxamed Muuse (Keyse), ayaa si guud u sheegay in labadaan nin ay qirteen eedeymihii lagu soo eedeeyay, isla-markaana ay Maxkamadu ku xukuntay xukun dil toogasho ah.

Afhayeenka wuxuu kaloo sheegay in maanta ay Maxkamadu xukun 6 bilood ah ku riday aabe Cismaan Cali Maalin, oo wiil uu dhalay lagu helay Shabaabnimo, isla-markaana uu qirtay in uu dil ka geystay Caasimada.

Aabahaan, ayaa dhalay Daahir Cismaan Cali (Daahir Dayax), oo ay shalay Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida, ay ku xukuntay xukun dil toogasho ah, markii uu qirtay in uu dilay Yuusuf Xasan Cadow (Yuusuf Taraafiko), oo ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada ee Wadooyinka

COMMENTS