August 14, 2017 | Posted by admin

Xubno ka tirsan Baarlamaanka  Soomaaliya, ayaa dalka koonfur Africa kula kulmay xubno metelayay Wasaaraddaha Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.

Wafdiga ayaa booqday Wasaaradda Gaashaadhigga iyo xarumo kale, iyagoona sidoo kale booqday xarumo ay ku keydsanyihiin taariikhda gumeystihii midab kala sooca.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhiga ahna Guddoomiyaha Guddiga Difaaca, Xuseen Carab Ciise ayaa Warbaahinta u sheegay in ay waxyaabo badan oo muhiim ah ka barteen booqashada South Africa.

 

Waxyaabaha aan halkaan ka baranay waxay ahayd inaan eegno iskudhafka Ciidamada madaama ay kasoo baxeen midib kalasooca una gudbeen dimuqraadiyad iyo wadashaqeynta caawinaada labada dal iyo inay naga caawin karto Hay”adaha Amminga iyo Dastuurka” ayuu yiri.

Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Sonkor Geelle ayaa isna Warbaahinta u sheegay in labada Dowladood ay kulamo kale ku kala saxiixan doonaan qodobo ay ka mid yihiin Amniga, Dhaqaallaha iyo arrimo kale oo muhiim ah.

11-kii bishan Guddoomiyaasha Barlamaannada dalalka Qaaradda Africa, ayaa kulankoodii sanadlaha ahaa ee guddoomiyaasha Baarlamaannada Africa waxaa uu ka jeediyay khudbad.

Soomaaliya oo qeyb ka ah dalalka Africa, ayaa waxaa shirkaasi uga qeyb-galayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

COMMENTS