April 7, 2012 | Posted by admin

Nairobi- Toddobaadkii lasoo dhaafay ayaa Sheekh Xasan Daahir Aweys khudbad uu ka jeediyey masjid ku yaalla degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose wuxuu kaga hadlay arimo fara badan oo ay ahayd markii ugu horeysay oo uu sidaas uga hadlo.

Xasan Daahir wuxuu muxaadaradiisa ku weerarayshirqoolada dilka ahee ay Al-Shabaab dadka u maleegaan isagoo si adag u diiday in Al-Qaacida iyo Al-Shabaab kaligood ay sheegtaan masuuliyadda ummadda Muslimkaee caalamka oo dhan isagoo ka digay in koocdu isku gaar yeesho halgan uu isagu qeyb weyn ku lahaa.

“…Waxaa weeyaan Bayaanbaa jira xarakada ka soo baxay  oo iclaamkana lagu faafiyay, aniga gadaaal ayuu iaga soo gaaray sida runta ah , bayaankaasaan waxaan isleeyahay in aan ka hadlaan rabaa , waxaanna uga hadlayaa si naqdi ah. Bani’aadamkuna haddii aysan iyagu isa sixin waa, Zalladu waa iska sahal.  Bayaanka ujeeddadiisu waxaa weeyaan in uun wuxdada la ilaaliyo , laakiin habka laguilaalinayo waxaa fiican in uu hab waafaqsan,….yacni waa dhici kartaa qofku nusuusta si  isagu u daliishadu  ama dadku  si u daliishadaan, laakiin waaqicu haddii uusan sidaas noqonin ceeb waaye.” ayaa ka mid ahaa hadaladii Sheekh Xasan Daahir Aweys. Halkan ka dhegsyo khudbada oo dhan

Hadalka Sheekh Xasan wuxuu ahaa mid tusaale muuqda u ah khilaafka iyo sii kala fogaanshaha u dhexeeya isaga iyo kooxda gaar ahaan xagga fikirka iyo qaabka ay u socdaan arimo fara badan oo uu isagu jecleysan. Ma ahan oo kaliya muxaadarada uu Sheekh Xasan ka jeediyey Marka ee wuxuu arintan ku cadeeyey buugiisa cusub oo uu cinwaan ugu dhigay “inuu yahay hogaamiyaha islaamiga Soomaaliya” taasoo qaar badan oo ka mid ah hogaanka Al-Shabaab ay ka sanifeen.

Kooxda Shabaab oo si muuqata ugu kala baxday labo garab oo mid uu hogaamiyo Axmed Godane una badan xubnaha “amniyaadka” ee shirqoolada fuliya iyo dhinac qunyar socod ah oo diidan hab dhaqanka kooxda Godane ayaa weli isku diidan isla qodobada uu Xasan Daahir ka booday.  Ragga sida weyn uga hor imaadsan Godane waxaa ka mid ah Sheekh Mukhtaar Roobow, Afhayeen Cali Dheere iyo Fu’aad Shongole oo fagaarayaal dhowr jeer kaga hadaaqay khaladaadka kooxda amniyaadka, hase yeeshee waxaa ka badan qaar kale oo cabsi darteed aan muujin karin diidmada Axmed Godane ay diidan yihiin.

Fatwada Shabaab

Hase yeeshee hadalka uu Sheekh Xasan ka jeediyey masjidka degmada Marka ayaa wuxuu ka dambeeyey jawaabna u ahaa bayaan Shabaabka- gaar ahaan garabka Axmed Godane soo saareen 26-kii Maarso 2012 kaasoo ku qornaa afka Carabiga. Bayaankaasi wuxuu si cad oo ka leex leexad lahayn u mamnuucay in wax xisbi ama urur kale oo aan ahayn Al-Shabaab laga sameyn karin dalka iyadoo cidii lagu helana loo ballanqaaday in ciqaabta uu mudan yahay [malaha qoorgoyn] laga waraabin doono.

Bayaankaasi oo nuqul ka mid ah aan helnay ayaa sidoo kale lagu sheegay in maamulka sharciga ah ee ka jira Soomaaliya uu yahay “ururka Al-Shabaab” sida ku qoran bogga4aad ee bayaankaasi oo leh sidan;-

“Waxay culimada gobolada dalka [culimada Shabaab taageersan] sheegeen in awooda sharciga ah ee dalka ay tahay maamulka Al-Shabaab eegobolada [qaarkood] ka jira….”.

Waxyaabaha bayaanku xaaraaninimeeyey:

– In koox, urur ama xisbi ujeedo diineed leh oo laga hoos sameeyo Al-Shabaab.
– In koox hubeysan aysan ka sameysmi karin dalka.
– In kooxdii ama ururkii lagu helo arimaha la sheegay ay Shabaabku u adeegsan doonaan ciqaab adag ah siday qabto shareecada [siday sheegeen].

Bayaanka ayaa ku tilmaamay “fitno” sameynta ururo, xisbiyo ama kooxo xitaa haddey yihiin kuwo diineed waxaana si daran loogu digay cid kasta oo hami ka leh inay sameysato urur aan ahayn Al-Shabaab.Halkan ka eeg bayaanka Shabaab oo dhan

Shabaabku waxay horey u burburiyeen kooxdii Xisbul Islaam oo uu Sheekh Xasan gudoomiyaha u ahaa iyagoo markii dambana sheegay inay isku biireen labada urur. Dadka qaar waxay hadalka Xasan Daahir ku micneeyeen in Xasan weli hami kaga jiro sameynta urur cusub oo ka soo garab baxa Shabaabka ama ugu yaraan uu fursada la sugayo inta ay kooxda isaga qarisay ay taag dareyso, Sababta uu waqtigan ugu soo beegayna ay tahay iyadoo ay u muuqan karto bilawga dhamaadka awooda Shabaab.

Haddii xitaa ay sidaasi noqoto waxaa dadka yaqaana dhaqamada Shabaabka ay sheegayaan in Xasan uu durba ku dhacay bad laga yaabo inay noloshiisa khatargeliso  maadaama kooxda lagu yaqaano khaarajinta dadka ka horyimaada aragtideeda.

COMMENTS