January 1, 2013 | Posted by admin


Muqdisho-Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa ayaa ka hadlay isbadalada baalaran ee haatan ka jira magaalada Muqdisho.
Gudoomiye Tarsan wuxuu sheegay in sanadkii lasoo dhaafay uu ahaa sanad qiimo badan marka loo eego sida xaalada Magaalada Muqdisho iyo waliba isbadalka ka dhacay Soomaaliya oo dhan.
“magaalada Muqdisho waxay ku guuleestay sanadka dhamaaday in ay marti galiso odoyaal isla markaana lagu soo dhiso baarlamaanka Soomaaliya ka dibna lagu doorto madaxdalka”ayuu yiri gudoomiyaha gobalka.
Wuxuu sheegay intaasi oo dhan in uu suurta galiyay xaalka magaalada iyo waliba isbadalka iyo Horumarka xaga nabada ah ee ka jira magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in sanadkaan cusub uu yahay mi dhashay iyadoo dalka Soomaaliya uu ka baxay KMG islamarkaana ay ka dhalatay Dowladda cusub oo rasmi ah.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho inay ka fogaadaan waxyaabaha dhibaatada keeni kara ee ammaanka qal-qaleglinaya.
Hadalkaan ayaa gudoomiyaha gobalka wuxuu ka sheegay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho taasi oo lagu soo dhowaynayay sanadka cusub isla markaana lagu sagootinayay sanadkii ka horeeyay.

COMMENTS