March 29, 2011 | Posted by admin

Max'ed Dheere Oo Kor Loo Sido

Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) oo maanta Hotelka Naasahablood 2, ugu sameeyay waxgarad, odayaal, haween, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka soo jeeday Beesha Mudllood ayaa ugu hambalyeeyay sida geesinimada leh ee ay uga qeyb qaateen sii deyntiisa iyo qaabkii ay uga dhiidhiyeen.   

Kulanka qadada ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaano ay ka mid ahaa Xuseen Caraale Caddaan, C/llaahi Geeddi Shadoor, Maxamuud Geeddi Ow-Hillowle iyo xildhibaano kale, kuwaas oo sheegay inay ku faraxsan yihiin in Maxamed Dheere uu dib u helo xoriyadiisa, waxaana ay ku tilmaameen in Maxamed Dheere uu yahay nin geesi ah oo in badan u halgamay dalka.   

Siyaasiga Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadaro oo hadalka qaatay ayaa sheegay in qof walba uu muteysan doono xarig iyo ciqaab, isagoo sheegay in hadii Maxamed Dheere uu talin jiray markan waa loo taliyay.   

“Maxamed Dheere hadii shalay uu talin jiray maanta waa loo taliyay”ayuu si kooban u yiri Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo xusay in isaga uu waayo joog u ahaa waxa dalka ka dhacay, isagoo xusay in xariga Maxamed Dheere ay sii kordhisay sumcada uu bulshada ku dhex lahaa.   

Nabadoon Shire Xaaji Dalfac oo ka mid ahaa Nabadoonada Beesha Mudullood ee si weyn uga dhiidhiyay xariga Maxamed Dheere ayaa xusay in Maxamed uu si sharci daro ku xirnaa.   

Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan oo dhowaan dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maxamed Dheere uu xarigiisa ahaa mid sharci daro ah, waxaana uu cadeeyay in Dowladda KMG laga doonayo inay raali gelin ka bixiso.   

Maxamed Dheere oo ugu dambeyn qaatay khudbada ayaa si kulul uga hadlay qaabkii uu u xirnaa, isagoo hadalo u badnaa durid ku weeraray Madaxda ugu sareysa Dowladda KMG oo uu sheegay inay si xaq daro ah u xirteen mudadii 35-cisho ee uu ku jiray xabsiga.   

“Xariga waxaan u arkaa iyagoo ay i xireen koox xoog ii sheegatay”ayuu yiri Maxamed Dheere oo intaa ku daray inuu u xirnaa shaqsi ee aanu u xirneyn Qaran ama Dowlad toona.   

“Aniga waxaa i xirtay nin aan iga xoog badneyn, balse Qaranka dadka hoggaankiisa haya sidii aan ka filayay ma noqon” ayuu mar kale yiri Maxamed Dheere.   

Sidoo kale waxaa uu xusay in isaga lagu bartilmaameedsaday siyaasad, waxaana uu cadeeyay in lagu tuntay xubnihii Beesha ku laheyd TFG-da, isla markaana Dowladda golayaasheeda aanay waxba ka aheyn sida uu hadalka u dhigay.   

“Xukuumadda waxay ku dhisan tahay laba Group oo kala ah qoladii Asmara iyo TFG-da, yaa noo diiday inaan qeybteena ka helno maamulka dalka, ma waxaa nalaga waayay shaqsiyaad baasaboor ajnabi ah leh?’ ayuu isweydiiyay Maxamed Dheere oo khudbadiisa aad u dheereyd, wuxuuna tilmaamay in Golaha Wasiirada ee kordhistay mudada halka sano ah aanay u marin dhinaca sharciga.   

Hadalka Maxamed Dheere oo ahaa mid qiiro iyo dhiira gelinba watay ayaa ku wajahnaa dhinacyo kala duwan, waxaana uu si kulul u weeraray nidaamka ay ku dhisan tahay Dowladda KMG, isagoo muujinayay dal dalool muhiim ah oo xaga awood qeybsiga iyo dhismaha Golaha Wasiirada ah, kaas oo ku muujinayay in Beesha Mudullood aan wax miisaan ah ku laheyn.   

Kulanka qadada ayaa ahaa mid xamaasad iyo sacab hareeyay, iyadoo markii uu dhamaaday kulanka dadkii lagu marti qaaday qada sharafta ay sare u qaadeen Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo dadkii goobta isugu yimid ku tilmaamay inuu yahay Maxamed Dheere Halyey Mudullood marna ilaabi doonin kaalintiisa.   

   

  

  

Max'ed Dheere Oo La Fadhiya Siyaasiyiinta Mudulood

COMMENTS