December 18, 2012 | Posted by admin

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maamulka Somaliland Maxamed Cabdulaahi Cumar oo la hadlay BBC-da ayaa waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan dowladda Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed Cabdulaahi Cumar ayaa hoosta ka xariiqay in ay diyaar u yihiin ka Somaliland ahaan wada hadal ay la galaan dowlada cusub ee Xasan Sheekh Maxamuud, waxana uu tilmamay in aan wali la cayimin xilga la kumayo iyo halka lagu kulmayo.

Wasiirka ayaa muujiyay ka go’naan Somaliland wada hadal ay la galaan dowladda Soomaaliya iyadoo dad badan ay filayeen in maamulka Siilaanyo uu ka bixidoono wadahadal uu lagalo Soomaaliya.

Dowladda cusub ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saami culus siisay dadka ka soo jeeda maamulka Somaliland iyadoo wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaadji ay ka soo jeedo qabiilada daga dhulka Somaliland.

Mahan in saami culus oo la siiyo Somaliland ay ku cusubtahay dhagaha dadka Soomaaliyeed laakiin arrinta culus ee taala ayaa ah in qof ka soo goostay maamulkaasi oo ay ka careysanyihiin la siiyo darajo keeni karta in ay is arkaan oo ay wada hadal isku soo horfariistan.

COMMENTS