December 8, 2012 | Posted by admin

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa maanta waxa ay xukun ku riday sarkaal ka tirsanaa ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya Liibaan Cali Yaroow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta maxkamada ciidamada qalabka sida ay xukuntay Cabdi Maxamed Ismaaciil oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Liibaan Cali yaroow Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in xukunka uu yimid kadib markii qaladaad lagu helay sarkaalkani ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Xukunka lagu fuliyay ayaa waxaa la sheegay inuu isugu jiro xil ka qaadis iyo sidoo kale xabsi daa’in.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa xukuno kala duwan ku riday raga ka tirsan ciidamada xoga dalka Soomaliyeed ee falalka kala duwan geesta iyo kuwa dambiyada lagu soo eedeeyo

COMMENTS