September 17, 2017 | Posted by admin

Madaxwaynaha Cusub ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle oo shalay ay Doorteen xildhibaanada Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa Wada Qorsho Cusub oo Xiligaan Doonayo in uu ku Hago Maamulka Hirshabeelle.

ila wareedyo ka ag dhaw Madaxwaynaha Hirshabeelle ayaa sheegaya in Hada uu Wado Qorsho Cusub oo ka duwan Tilaabooyinkii Cali Cabdullaahi Cosoble.

Tilaabooyinka Laga yaabo in uu  ku dhawaaqo Madaxwayne Waare ayaa waxaa ka mid ah in uu Waxbadan ka bedelo Qaabka ay u shaqeeyaan Golahiisa Wasiirada oo ah kuwa u badan Xiligaan Xildhibaanada Hirshabeelle.

Waxaa kale oo ka mid ah Howlaha Madaxwaynaha in uu sii xoojiyo Saaxiibada uu ku leeyahay xildhibaanada si ay ula shaqeeyaan wasiirada, islamarkaana aysan isku dhax-milmin.

Madaxwaynaha Hirshabeelle ayaa doonaya sidoo kale in is bedel lagu sameeyo Inta badan Gudoomiyaasha Degmooyinka Hirshabeelle, oo xilalka laga qaado Kuwa Hada xilka haya, laguna beledo kuwa cusub oo ay ka  mid yihiin Shaqsiyaad qayb ka ahaa Ololihiisa.

Xogaha kale waxaa ka mid ah in Rag Culus oo qayb ka ah Madaxda Hirshabeelle ay xilkooda wayn doonaan kuwaas oo aad utaageersanaa Madaxwaynihii Xilka laga qaaday Cali cabdullaahi cosoble, si aysan mar kale ayina ukeenin Mooshin ka dhan ah Madaxwayne Waare.

Madaxwayne Ku xigeenkii Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe oo awoodiisu tahay Magaalada Jowhar ayuu la sameen doonaa La tashiya badan si uusan xilalka uga qaadin Xubnaha Siyaasada awooda ku dhax leh iyo kuwa ay isku dhaw yihiin Cali Guudlaawe.

Siyaasada waare ayaa ah in shaqooyin farabadan ay Helaan dhalinyarada si looga Maarmo Awoodihii Hore ee Maamulkii ka Horeeyay uu lahaa.

Hadaba waxaa Laga war dhowraa Tilaabooyinka Madaxwaynaha Hirshabeelle uu Ku bilaabo shaqooyinka adag ee Horyaala xiligaan.

[email protected].

COMMENTS