March 22, 2017 | Posted by admin

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada waxaa lagu magacaabay Abuukar Cabdi Cusmaan oo loo yaqaano Abuukar Baalle oo horay u soo noqday Agaasimaha Xafiiska Farmaajo, xilligii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa.

Mr Baalle iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ah saaxibo dhow oo muddo isla soo shaqeeyay, waxaana uu noqonayaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya, isagoo xilka kala wareegaya Dr. Cali Fiqi oo xilkan si KMG ugu magacawnaa.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay Kaaliyihiisa Gaarka ah, waana xil cusub oo aanay horay u laheyn Madaxdii hore, waxaa uu kaaliyihiisa Gaarka ah u magacaabay Maxamed C/laahi Axmed oo ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda, marna ka soo shaqeeyay Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, gaar ahaan waxaa uu ahaa ninkii cododka waraaqaha u tirinayay Madaxweyne Farmaajo doorashadii 8-dii bishii February.

Madaxweyne Farmaajo ayaa La Taliyihiisa Arrimaha Siyaasadda iyo istiraatiijiyadda u magacaabay Prof. Nuur Diiriye Fuursade.

Waxaa Agaasimaha Hab Maamuuska Madaxtooyada loo magacaabay C/llaahi Yuusuf Maxamed oo xilka kala wareegaya ninkii sida KMG ugu magacawnaa ee Siyaad Maxamuud Shire, balse goor dambe xilkaas isaga tagay.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa xilal kale oo La Taliyeyaal magacaabi doono, marka uu ka soo laabto safarka uu ku tagi doono dalka Kenya maalinta berri.

Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS