July 5, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Wararka la isla dhexmarayo Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu booqasho ku tagayo maalmaha soo socda magaalada Hargeysa.

Sida wararka sheegayaan Madaxweyne Shariif ayaa magaalada Hargeysa u tagaya sidii uu Somaliland ugala sii hadli lahaa ku soo biiritaanka koonfurta Soomaaliya, isla markaasna ay iyagu ka raaligelinayaan wax kasta oo si qalad ah ku dhacay, isla markaasna uu u sheego in dib loo soo celiyo midnimadii iyo sharafkii ummadda Soomaaliyeed ay lahaan jirtay.

Dhinaca kale Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Ucid ee maamulka Somaliland Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay wararka sheegaya in Madaxweyne Shariif uu ku sii jeedo magaalada Hargeysa ayaa sheegay in arrinkaasi uusan waxba ka jirin, isla markaasna uu yahay been la dhoodhoobay oo ay warbaahinta Somaliland buunbuuisay sida uu yiri.

Faysal Cali waraabe oo warfidiyeenka kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya booqashada Shariif ee Hargeysa uu ku tagayo, wuxuuna mar uu arrimahaasi ka hadlayey uu yiri “Shariifka maxaa inoo keenaya, maamulka halkaas jira inaanu qaabilnaa meesha kuma jirto, waxaa iska hortimid Soomaali, Shariifkana Hargeysa ma imaanayo  sabab uu u yimaadana meesha ma taalo, wixii jira dal dibadda ah ayaa looga wadahadlayaa”.

COMMENTS