September 1, 2015 | Posted by admin

Xili Ciidamada Militeriga Dowladda Soomaaliya iyo Xoogaga Amisom ay dib ula soo noqdeen gacan ku heynta Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa Degmadaasi Caawa ku soo rogay xaalad bandow ah.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa waxaa lagu arkayaa inta badan Degmada, waxayna wataan gaadiid fara badan, oo kuwa dagaalka ah.

Ciidamada Dowladda oo keliya, ayaa roondo ka samaynaaya xaafadaha ay ka kooban tahay Degmadaasi, halka Ciidamada Amisom ay ku sugan yihiin fariisimo cayiman.

Cali Nuur Maxamed oo ah ku simaha Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, , ayaa sheegay Ciidamada Huwanta inay caawa xaalad bandow ah geliyen Degmada Janaale.

Waxa kaloo uu sheegay Ciidamada inay xakamaynayan xaaladda guud ee Degmadaasi, maadaama sida uu qiray uu maanta ka dhacay dagaal culus.

Dagaalamayaasha Al Shabaab oo saakay dagaal kula wareegay xeradii Ciidamada Amisom ee Janaale, ayaa saacado ka dib isaga baxay xeradaasi.

COMMENTS