July 27, 2014 | Posted by admin

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa isku raacay in Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka loo Magacaabo Avv. Axmed Cali Daahir oo ah aqoon yahan soo bartay Culuumta sharciga .

Masuulkan loo Magacaabay in uu noqdo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa horey xilal kala duwan waxa uu uga soo qabtay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Hadaba halkan ka Aqriso Taariikh Nololeedka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Garanka

Avv. Axmed Cali Daahir wuxuu ku dhashay degmada Doloow, sannadkii 1965-kii

Wuxuu dugsiga sare ka baxay 15-kii May 1983-kii

Wuxuu cilmiga sharciga ka bartay jaamacaddii Ummadda Somaaliyeed intii u dhexeysay 1984-kii illaa 1988-kii. Isagoo cilmi-kororsi dheeraad ah sameeyay.

1989-kii illaa 1990-kii wuxuu ahaa ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

1996-kii wuxuu noqday ku xigeenka maxkamadda sare ee killilka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya.

1997-1999, wuxuu noqday guddoomiyaha maxkamadda sare ee deegaanka Soomalida dalka Itoobiya.

2003-2005 wuxuu noqday guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed gobolka Seattle ee dalka Mareykanka.

2006-2008 wuxuu noqday madaxa ururka Soomaalida gobolka Arizona ee dalka Mareykanka.

2008-2011 wuxuu noqday madaxa hay’adda Xarunta Islaamiga ah ee Al-Raxma ee gobolka Phoenix ee dalka Mareykanka.

2011-kii wuxuu ahaa madaxa sharciga iyo xallinta ee guddiga Imaamyada Soomaaliyeed ee dalka.

COMMENTS