July 25, 2017 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee Xarunta  gobolka Mudug ayaa ku waramaya in ciidamo ka kala tirsan  Puntland iyo Galmudug ay gacanta ku soo dhigeen Masuul ka tirsanaa alshabaab oo qaabilsanaa Galkacayo laguna magacaabo Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo loo yaqaano Ina Calool.

Ninkaan la qabtay ayaa  madaxii howlgalada Al Shabab ee magaalada Gaalkacyo sida wararka lagu helayo.

Howlgalka laga soo qabtay ninkan ayaa ka dhacay shalay gelinkii dambe magaalada Gaalkacyo,sida wararka ay sheegayan.

Ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug ay gacanta ku soo dhigen Ina Calool Geel kadib howlgal balaaran oo ay ka sameeyen Gaalkacyo.

Ciidamada ayaa sido kale ku soo qabtay howlgalkasi afar nin oo la sheegay iney la socden sarkaalkan gacanta lagu soo dhigay.

Saxaafada ayaa ka war sugaysa Madaxda laamaha amniga Gaalkacayo oo ku aadan Masuulkaas gacanta lagu soo dhigay.

COMMENTS