February 10, 2018 | Posted by admin

Maamulka dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa markii ugu horreysay magaaladaasi ka hirgeliyey mashruuc biyaha looga saarayo magaalada, maadaama xilliyada roobka ay biyo badan fariistaan Gaalkacyo.

Mashruucan oo ah kuwo ay iska kaashanayaan maamulka Gaalkacyo iyo ganacsato ayaa waxaa daahfuray duqa Gaalkacyo ee Galmudug, Xirsi Yuusuf Barre.

Mr. Barre ayaa sheegay in goobo badan oo Gaalkacyo ka tirsan ay shaqooyin muhiim ah ka qaban doonaan, wuxuuna bulshada magaaladaasi ugu baaqay iney ka qeybqaataan mashruucan.

“magaalada waxaan rabnaa inaan biyaha ka saarno, dadweynaha waxaan leenahay biyaha yaan la xirin ee iska fura magaalada wey dhaafayaan” ayuu yiri duqa Gaalkacyo.

COMMENTS