June 22, 2017 | Posted by admin

Iyadoo Maalma Kooban ay ka Harsan Tahay Maalmaha Ciida ayaa udiyaar Garoow Xoogan Waxaa Laga dareemayaa Suuqayada ku yaala Magaalada Jowhar ee Caasimasda Dowlada Hirshabeelle.

Suuqa Ku yaala Xaafada Hanti Wadaag ee Magaalada jowhar ayaa laga dareemayaa is bedel xoogan oo dhanka Iibsa shada dharka ah.

Ganacsatada Magaalda Jowhar ayaa sheegay in Sanadkaan uu isbedel wayn ka Jiro Qiimaha la iibiyo dharka Qaybihiisa Kala duwan.

“Qaar ka mid Dadka iibiya dharka ee Suuqa Hanti wadaag ayaa sheegay in Sanadkaan is bedel Culus laga dareemayo Suuqayada kala duwan ee Jowhar.

Dharka Caruunta ayaa la iibiyaa Lacag dhan 12 Dollar oo Saraawiisha Caruurta ah, Halka Saraawiisha Raga waa wayn la iibinayo 8$ Dollar.

Sidoo kale Waxaa Cariir xoogan laga dareemayaa Goobaha Kala duwan ee lagu iibiyo Mac macaanka ee Magaalada Jowhar.

Mashquul badan ayaa ka Taagan goobaha lagu sameeyo Mac macaanada Kala duwan.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS