January 4, 2013 | Posted by admin


Raysul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo booqasho ku joogta dalka Britain ayaa maanta magaalada London kula kulantay xog-hayaha arrimaha dibadda Britain William Hague.
Xoghayaha ayaa qado sharaf u sameeyay marwo Fowsiyo, waxayna ka wadahadleen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo ballaarinta kaalmada dowladda Ingiriiska ay siiso Soomaaliya
Sii-hayaha safaaradda Soomaalida ee dalka Ingiriiska Cabduqaadir Cali Dhuub ayaa Bar-kulan u sheegay in ay labada mas’uul si gaar ah uga wadahadeleen shir arrimaha Soomaliya looga hadlayo oo lagu wado in bisha May ee sanadkan uu ka dhaco magaalada London.
Cabduqaadir Cali Dhuub ayaa tilmaamay in ay sidoo kale isla soo qaadeen arrimaha bini’aadannimada iyo sidii loo sugi lahaa ammaanka deegaannada laga saaray Al-Shabaab, loona gaarsiin lahaa kaalmooyinka iyo qodobbo kale.
Raysul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo xoghayaha arrimaha dibedda Ingiriiska William Hague ayaa waxay kaloo isla soo qaadeen wixii ka qabsoomay shirkii London ka dhacay bishii February ee sanadkii la soo dhaafay.

COMMENTS