April 20, 2014 | Posted by admin

Barnaamijka Martida Makrafoonka waxaa toddobaadkan marti ku ah Kani Torun oo ah safiirka dowladda Turkey u fadhiya Soomaaliya. Safiirka ayaa ka hadlaya doorka Turkey ee Somalia.

Safiirka ayaa sheegay in dhawaan dowladda Turkey ay dib u bilaabi doonto kaalmadii dhaqaale ee lagu kabi jiray dowladda Soomaaliya.

Safiirka ayaa sidoo kale barnaamijkan uga hadlaya wadahadallada u dhaxeeya Somalia iyo Somaliland oo uu sheegay inay meel fiican marayaan.

COMMENTS