December 14, 2012 | Posted by admin
:Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Garacad ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in maanta markale duleedka magaalada ay ku dagaalameen ciidamada bada ee Puntland iyo Burcad badeed deegaankaas ku heysta Markab.
Dagaalka labada dhinac u dhaxeeya ayaa maalmihii lasoo dhaafay socday, ayadoo labada dhinacba ay soo gaareen khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Markabka ayaa kusoo caariyey meel waqooyiga uga beegan magaalada Garacad wuxuuna dhexda uga jiraa Qarar dhexdooda waxaana lagu tegi karaa oo kaliya doonyo maadaama meesha uu ku jiro aan ahayn xeeb banaan.
Ciidamada Puntland ayaa maanta isku dayey inay dusha u fuulaan markabkan kadib markii ay rasaas xoogan ku rideen dusha sare ee Markabka, waxayna kadib qaateen laba laash oo yar yar si ay markabka u gaaraan.
Wararka Horseed Media kasoo gaaraya Garacad ayaa sheegaya in burcad badeeda ay sugayeen ciidamada isku dayey inay markabka fuulaan, kadibna ay rasaas ku fureen ciidamada xili ay isuu dhawaadeen markabka, waxaana la sheegay inay gubteen labadii laash ee ciidamadu wateen.
Warar aanu helayno ayaa sheegaya inay jirto dhimasho iyo dhaawac, walow tirada dhimashada aan la xaqiijin karin, balse ugu yaraan 3 askari oo bada laga soo saaray ayaa la sheegay in dhaawacooda loo soo qaaday dhanka magaalada Garowe.
Xamuulka Markabka
Markabkan MV ICEBERG 1 waxaa la afduubay bishii 29kii Maarso ee sanadkii 2010. Waxaa laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna sitay calanka dalka Panama. Waxaa markabkan saarna shaqaale badan oo isugu jira, 9 Yemeniyiin, 6 Hindi, 4 reer Ghana, 2 Sudaani ah, 2 Pakistani ah iyo hal qof oo u dhashay dalka Filibiin.
Qaar kamid ah Shaqaalaha Markabka MV Iceberg 1 ee la heysto
Kabtankii Markabkan waday oo la sheegay inuu u dhashay dalka Yemen oo lagu magacaabo Cabdirisaq Cali Salex ayey dileen burcad badeeda markabka heysata.
Markabkan ayaa wuxuu yaalay deegaankaasi muddo ku dhaw 3 sano, waana markii ugu horeysay oo ay ciidamada Puntland isku dayaan inay markabkan la wareegaan.
Waxaana la sheegay in shirkada Markabka lahayd ay diiday inay bixiso lacag madax-furasho ah oo ay codsadeen burcad badeeda, taasi oo gaareysa 6 illaa 10 milyan oo dollar.
Markabka ayaa dushiisa waxaa saaran qalab badan iyo Haamo waaweyn oo shidaalka loogu talo galay, waxaana la rumeysan yahay in dadka leh qalabkaasi ay ka codsadeen dowlada Puntland inay xoog kula soo wareegaan Xamuulka saaran markabka oo aan la aqoon waxa ay yihiin.
Dadka deegaanka Garacad ku sugan ayaa ka cabsi qaba xamuulka Markabkan saaran inuu yahay kimikal hadii uu daato wax badan u dhimi kara deegaanka. Balse warbixino horey looga helay markabkaasi ayaa sheegaya in Haamaha saaran yihiin kuwo maran, walow aan arrintan si madax banaan loo xaqiijin karin.
Warar aan la xaqiijin balse Horseed Media ay ka helayso xubno kamid ah dowlada Puntland ayaa sheegay in lacag gaareys 1.5 milyan oo dollar lagu wareejiyey mas’uuliyiin kamid ah dowlada Puntland ee gacanta ku haya ciidamada Bada, lacagtaasi ayaa la sheegay inay bixiyeen duulaalo matalaya shirkada xamuulka Markabka saaran, kuwaasi oo codsaday in ciidamada Puntland awood u adeegsadaan burcad badeeda.
Markabka MV Iceberg 1
Qalabka Markabkan saaran ayaa waxaa ku jira Jenerataro, Transformers iyo Haamo shidaal lagu sheegay oo ay leedahay shirkada Aggreko Internatinal Power Projects oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska. Markabkan ayaa markii gacanka Cadmeed laga afduubay kusii jeeday dalka Ingiriiska.
Dhanka kale shirkada ayadu leh Markabka ayaa sheegtay inaysan wax lacag ah bixin doonin, ayadoo la sheegay in Markabkan uusan ku jirin wax caymis ah.
Wararkan soo baxaya ayaa ah mid si weyn looga hadal hayo magaalada Garacad iyo gobalka Mudug, ayadoo weli burcad badeeda ay dulsaaran yihiin Markabka.
Dagaalka sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay halkaasi ka socday ayey illaa iyo hada dhimashada labada dhinacba ay ka badan tahay 5 ruux, halka dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.
Dowlada Puntland ayaa ka gaabsatay inay faafiso khasaaraha dhankeeda soo gaaray, halka hada su’aalo badan la iska weydiinayo Qandaraaska la sheegay in ay qaateen mas’uuliyiinta matalaya Puntland oo ah in ay xoog kula wareegaan Markabka iyo Haamaha saaran. Mulkiilaha qalabka markabkan saaran ayaa la sheegay inuu ku sugan yahay magaalada Jabuuti sida ay Horseed Media u xaqiijiyeen xubno ku sugan Madaxtooyada Puntland.
COMMENTS