September 10, 2014 | Posted by admin

Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa maanta oo Arbaca ah magaalada Baghdad kula kulmaya madaxda dowladda cusub ee Ciraaq, si ey gacan uga geystaan isku duwidda dagaal ka dhan ah Kooxda Daacish.

Mr. Kerry, oo gobolka uga bilaabmeyso socdaal todobaad ka badan qaadanaya, ayaa ka degay gelinkii hore ee maanta caasimadda Ciraaq ee Baghdad, halkaas oo uu kula kulmi doono Ra’isul wasaaraha Ciraaq Xeydar al-Cabadi.

Mareykanka ayaa rajo ka qaba in dowladda cusub ay mideyn karto Iraq, si ka duwan madaxdii hore, oo lagu eedeeyay inay gacan bidixeeyeen dadka laga tirade badanyahay ee Suniyiinta isla markaasna ay wax ka qaban waayeen xag jirnimada.

Wadahadalka Kerry uu la leeyahay madaxda Ciraaq ayaa ku soo beegmaya iyadoo caawa la filayo in madaxweynaha Mareykanka Barack Obama uu jeediyo Khudbad uu ku sharaxayo Istaraatiijiyadiisa ku aadan dagaal ka dhan ah Mintidiinta Daacish ee maamula qeybo ka mid ah Ciraaq iyo Syria.

Saraakiisha Aqalka Cad ayaa sheegay maanta oo Arbaca ah in Madaxweynaha ay qorshaha ugu jirto talaabo milatariga Mareykanka u qaado iyo taageero uu u fidiyo ciidamado Isbaheysta oo dhulka kula dagaalama dagaalyanada Daacish ee Ciraaq iyo Syria.

Safarka Kerry ayaa lagu macneeyay mid uu taageero ugu raadinayo Isbaheysiga uu Mareykanka abaabulayo ee ka dhanka ah Daacish.

Marka uu ka tago Ciraaq, Mr. Kerry ayaa gelinka dambe ee maanta wadahadalo la yeelan doona madaxda Jordan, waxa uu sidoo kale maalinta Khamiista ah kula kulmi doonaa dalka Sacuudiga Wasiirada Arimaha Dibadda ee Gobolka.

Marka uu ka soo tago Sacuudiga , Kerry waxa uu ku wajahanyahay magaalada Paris ee dalka Faransiiska , halkaas oo ay saraakiishu leeyihiin waxa uu wadatashi kula yeelan doonaa dalalka Yurub ee ay xulufada dhowyihiin Mareykanka, gaar ahaan sidii dowladda cusub ee Ciraaq loo taageeri lahaa soo celinta amanka iyo degenaanshaha.

COMMENTS
  1. Duhur | News Affecting the Worldwide Somali Community
    [url=//www.townwalworthny.com/canada-goose-outlet/canada-goose-expedition-parka-sale.html]//www.townwalworthny.com/canada-goose-outlet/canada-goose-expedition-parka-sale.html[/url]

  2. fake hermes philippines hermes belt uk replica buckle izvladwz

  3. replica hermes cuff hermes replica usa dinnerware vlpnoinpqud