November 15, 2012 | Posted by admin

Warbaxin ka soo baxday Hay’ada FBI Mareykanka ayaa iminka waxa ay liisku dadka Mareykanka uu doodoonayo ku dartay mid ka mid ah muwaadiniin Mareykan ah oo ka dagaalama Soomaaliya islamarkaana qeybka ah dagaalyahanada Al-Qaa’ida ee Soomaaliya ku sugan.

Sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters Cumar Shafiq Hamami oo loo yaqaano AL-Mansur AL-Amriki oo 28-sano jir ah ayaa Mareykanka waxa uu ku daray liiska ay ku xardhan yihiin magacyada dadka Mareykanka u calaamadeysan islamarkaana ku jir liiska waxa loogu yeero argagixisada,sida lagu sheegay warbaxin ay soo saartay Hay’ada FBI Mareykanka.

Cumar Hamami ayaa fariimo wax kicinayo u diri jiray Mareykanka, taasi uu ku sheegay sida warbixintu lagu tilmamay in uu inta uu ka soo tagi lahaa jihaadka uu jecel yahay in uu ku dhinto diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee duqeymaha la dhaca Goobaha Al-Qaa’ida Soomaaliya ay ku sugan yihiin sida Xamami uu sheegay.

Al-Mansuri al-Amriki oo hada lagu daray liiska dadka Mareykanka uu bartilmaameedka u yahay ayaa waxa qeyb ka noqonayaa dadka tirada yar ee Americanka kuna jira liiska argagixisada,sidoo kalena liiskaan waxaa ku jira nin lagu magacaabo Aden Yahiye Gadahn kaasi liiska lagu daray sanadkii 2006.

Gadahn ayaa ka mid noqday dadka Mareykanka uu doodonayay islamarkaana uu islaamay,waxaa uuna inta badan ka soo muuqan jiray Video isagoo markaasi soo duubaya cajalad lid ku ah Mareykanka oo wax ka sheegeysa dhibaatada ay ku hayaan Mareykanka dadka muslimiinta ah,waxaana isagana lagu daray liiska argagixisada waxa loogu yeero.

Hay’ada FBIda ayaa sidoo kale waxa ay shaaca ka qaadeen in Cumar Shafiiq Xamaami oo loo yaqaano Al-Mansur Al-Amriki uu dagaalyahanada shabaab uu ku soo biiray sanadkii 2006.

Warbaxinta ka soo baxday hay’ada FBI ayaa waxaa lagu qeexay in dadka ajaanibta ee ka barbardagaalamayay Al-Shabaab ay doonayeen in xukunka ka tuuraan dowlada Soomaaliya islamarkaana doonayaan in wadanka ay ku soo rogaan ku dhaqanka shareecada islaamka.

Liiskaan sidoo kale waxaa ku jira hogaamiye sare oo ka mid ah Jabhada Abu Sayyaf oo ka dagaalanta dalka Filibiin,waxaana lagu Magacaba hogaamiyahasi Raddulan Sahiron isagoona lagu eedeyay in uu afduub u geystay 1993 Muwaadiniin u dhashay Mareykanka.

Liiskaan oo loo yaqaano Block list ayaa Mareykanka waxa uu ku daraa cida uu u arko inay qatar ku tahay caalamka ama ay ka mid tahay dadka ugu cad cad waxa loogu yeero argagixisada,Cumar Hamami waxa uu haatan ka mid yahay liiska uu Mareykanka uu doodoonayo.

Dowlada Mareykanka ayaa madaxyadooda waxa ay dul dhigtay malaayiin doolar rag ka tirsan Al-Shabaab uu ugu weyn yahay abuu Zubeyr.

COMMENTS