July 25, 2015 | Posted by admin

Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay iney kordhiyeen howlgalkooda dhanka meletariga ee Soomaaliya todobaadyadii lasoo dhaafay, kaasi oo lagu bartilmaameydsanayo Alshabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Pentagon-ka Mareykanka.

Duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ka geystaan dalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay iney qeyb ka tahay istiraatiijiyada Mareykanka ee Soomaaliya ee toos loogula dagaalamayo ciidamada Alshabaab.

Sidoo kale diyaaradaha ayaa si toos ah u caawinaya ciidamada Kenya ee kusugan dalka Soomaaliya kuwaasi oo Alshabaab kula dagaalamaya gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, sida Mareykanka uu sheegay.

Saraakiil ka tirsan Mareykanka ayaa laga soo xigtay in diyaaradahaasi ay kasoo duulaan saldhiga Mareykanka ku leeyahay dalka Jabuuti si howlgalo duqeymo ah u fuliyaan,halka diyaaradaha kale ay dhanka sirdoonka ay ururiyaan kana howlgalaan dalka Ethiopia.

Qoraalka Pentagon-ka Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeymahaasi lala eegto ciidamada Alshabaab ee ka baxsanaya howlgalada ciidamada AMISOM ay ka sameynayaan gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Waxaa ugu dambeyn Mareykanka uu sheegay inuu kordhinayo howlgalka dhanka sirdoonka iyo duqeymaha ka dhanka ah Al-shabaab ay kordhin doonaan.

COMMENTS