April 25, 2017 | Posted by admin

Mareykanka iyo Midowga Africa ayaa isku
waafaqay inuu soo dhawaaday waqtigii
Soomaaliya ay la wareegi laheyd
mas,uuliyaddeeda dhinaca amaanka.
Taliyaha ciidanka Mareykanka ee jooga
magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka
General Thomas Waldhauser, iyo taliyaha
ciidanka Mareykanka ee Africa ee loo soo
gaabiyo AFRICOM, ayaa si wada jir ah u
sheegay in ku dhawaaqistii Mareykanka uu
dhawaan ku dhawaaqay inuu Soomaaliya u
dirayo ilaa iyo 40 askari aysan micnaheedu
aheyn isbadal dhinaca istaraatiijiyada ah.
Waxaysa sheegeen in Mareykanka uu
ciyaari doono door caawineed oo ah in ay ka
taageeri doonaan ciidanka Soomaaliya
dhinacyada tababarka.
Genereal Thomas Waldhauser ayaa sheegay
in hadafkooda tababarida ciidanka
Soomaaliya uu yahay in la helo ciidan
Soomaaliyeed oo diyaar u ah inay la
wareegaan aminga marka la gaaro sanadka
2020-ama 2021-ga markaas oo la filayo in
dalka ay ka dhacaan doorashooyinka
madaxtinimada.
Dhinaca kale. Ambassador Francisco
Madeira,oo ah madaxa qeybta rayidka ee
howlgalka AMISOM, ayaa sheegay in ay
bilaabayaan in ciidamadooda ay kala baxaan
Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2018.
Soomaaliya iyo dalalka ay saaxibadda yihiin
ayaa hadda ka shaqeynaya sidi ay u tababari
lahaayeen ciidamo gaaraya 28,000 oo askari
oo loo diyaarinayo inay la wareegaan
amniga dalka.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku
tiirsan ciidamo ka socda Midowga Africa oo
gaaraya 22 kun oo askari.

Ciidankaas ayaa
ilaaliya madaxda dowlada iyo ilaha ugu
muhiimsan dhaqaalaha dalka sida qaar ka
mid ah dekdaha iyo garoomada diyaaradaha.

Maxamed Daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS