DUHUR-Dowlada Maraykanka ayaa ku soo rogtay cunoqabatayn lix ruux oo la sheegay inay taageeraan ururka xiriirka la leh Alqacida ee Alshabaab.
Sida ay daabacday wakaalada wararka ee AFP Lixdan ruux ayaa la sheegay in labo ay ka mid yihiin madaxda Eritrea, qof u dhashay dalka Sudan iyo saddex Kenyan ah.
Wasaarada maaliyada dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in la xanibay lixdan ruux hantidii ay lahaayeen isla markaana aysan wax ganacsi ah la yeelan karin shirkadaha ganacsiga ama muwaadiniinta Maraykanka iyadoo looga dan leeyahay sidii loo joojin lahaa dagaalada ka socda wadanka Soomaaliya iyo sidii loo baabi’in lahaa ururka Alshabaab.
“Maraykanka waxaa ka go’an inuu raadsado kuwa ka mas’uulka ah dhiigga daadanaya iyo xasilooni la’aanta ka jirta Soomaaliya,”ayuu yiri Adam Szubin Agaasimaha la socodka dhaqaalaha ajaanibta(OFAC).
Wasaarada Maaliyada ayaa magacawday Colonel Eretrean ah oo lagu magacaabo Tewolde Habte Negash oo ah sarkaal sirdoonka Eritrea ka mid ah kaasoo lacago u dira mucaaradka ka soo horjeeda dowlada Federalka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya.
“Col. Negash waxa uu ahaa maskaxdii ka dambaysay xiriir ay yeeshaan dowlada Eritrea iyo Alshabaab sanadkii 2006dii,waxana uu ahaa xiriiriye muhiim ah oo ah dhinaca maaliyada iyo taageerada logistikada qaar kamid ah kooxo hubeysan oo ka jira Soomaaliya iyadoo ay ka mid tahay Ururka Alshabaab tan iyo sanadkii 2004.”
Qofka labaad ee xayiraada lagu soo rogay ayaa ah Col. Taeme Abraham Goitom oo la sheegay in uu xubin muhiim ah ka ahaa isbahaysigii dib u xoreynta Soomaliya kuwaasoo weli la dagaalamaya dowlada Soomaaliya.
Shaqsiga saddexaad ayaa ah Suhayl Salim Abd-El-Rahman oo loo yaqaan Abu Faris kaasoo la sheegay in uu yahay muwaadin Sudan u dhashay oo dalka Soomaaliya ku sugan kana taageera Alshabaab sidii gacan loo siin lahaa dagaalyahanada ajaaniibta ah ee dooneysa in ay ku biirto Alshabaab.
Saddexda kale ayaa ah Kenyan oo kala Aboud Rogo Mohammed oo wadaad Islami ah, Omar Awadh Omar iyo Abubaker Shariff Ahmed oo la tilmaamay inay yihiin kuwo u fududeeya ururka Alshabaab inay dhalinyaro qortaan.
Omar ayaa ku jira xabsi ku yaal dalka Uganda isagoo sugaya maxkamad kadib markii lagu eedeeyey inuu lug ku lahaa weerarkii lagu qaaday goobo laga daawanayay ciyaaraha adduunka bishii July11keedii sanadkii 2010ka. Ururka Alshabaab ayaa sheegtay inuu ka dambeeyey weerarkaas oo ay ku dhinteen illaa iyo 74ruux.

All Posts
BBC 0400 GMT








