June 24, 2015 | Posted by admin

Wasiirka Difaaca Maraykanka Ash Carter ayaa sheegay in Maraykanku uu 250 taangi u dirayo bariga iyo bartamaha Yurub, taasoo jawab u ah faragelinta uu Ruushku ka wado Ukraine.

Maraykanka ayaa sheegay in taangiyadan iyo hub kaleba la geyn doono dalalka Estonia, Lithuania, Latvia, Bulgaria, Romania iyo Poland, iyadoo hub kale la geyn doono dalka Jarmalka.

Waddamada NATO ayaa waxaa walaac ka soo wajahay halista uga imanaysa dalka Ruushka.

​Carter ayaa sheegay in hubkan iyo ciidamo la socda kolba meel laga geyn doono dalalka Yurub si tababaro iyo carbis ay u la sameeyaan ciidamada dalalkaasi.

Carter ayaa hadalkan uga dhawaaqay safar uu ku marayo Yurub. Carter wuxuu sheegay in Maraykanku uu doonayo inuu u sharxo kuwa ka shakisan qiimaha aan u hayno NATO ee ah in amniga Yurub uu yahay mid muhiim u ah wax walba oo agteena ku weyn.

COMMENTS