January 12, 2017 | Posted by admin

 

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Halis Ammaan daro ay ka jirto  Wadanka Soomaaliya waxayna Muwaadiniinteeda uga Digtay Gaar ahaan dadka Haysta Dhalashadeeda in aysan u Safrin Soomaaliya.

Goobaha sida Tooska ah Farta Loogu Goday waxaa Ka mid ah Degaanada Puntland iyo Somaliland.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinteeda aysan heli karin caawimaad maadaama safaarad rasmi ah oo Maraykanku leeyahay aysan ku aalin Soomaaliya.

Digniintaan ayaa lagu sheegay in si gaar ah ay halista argagixisada ay uga jirto goobaha dadka ay isugu yimaadaan iyo meelaha ay dadka Reer Galbeedka tagaan oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha, hoteelada iyo meelaha laga dukaameysto.

Waxaa sidoo kale muwaadiniinta Mareykanka looga digay inay ku safraan meelo ku dhow xeebaha Soomaaliya sababo la xiriira halista kooxaha burcad badeedda Soomaaliya.

Digniintan cusub ayaa baddeleysa tii wasaaradda ay horey usoo saartay ee ku taariikheysneyd 24 May 2016.

Maxamed Daacad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS