July 24, 2012 | Posted by admin

Dowladda Maraykanka ayaa soo saartay amar lagu bartilmaameed sanayo dadka caqabada ku ah, sida hadalka loo dhigay hanaanka siyaasadda ee looga gudbayo marxaladda kalaguurka ah ee uu hada dalku ku jiro.

Aqalka Cad ee Maraykanka oo warkan laga soo saaray ayaa lagu sheegay in Waaxda Maaliyadda Maraykanka ay awood dheeri ah u haysato in ay xayiraado isugu jira Maaliyad iyo safaraba ay saarto dadka caqabada ku ah qorshaha loogu yeero Tubta Nabadda Soomaaliya.

Sidoo kale Waaxda Maaliyadda Maraykanka waxaa awood dheeraad ah loo siiyay in ay cunaqabateen saarto dadka lagu helo inay musuq-maasuqaan hantida Qaranka Soomaaliyeed uu leeyahay, iyo waliba dadka ku howlan askareynta caruurta.

“Iyadoo la balaarinayo awooddeena ku aadan in aan cunaqabteen saarno kuwa ka shaqeynaya daganaansho la’aanta Soomaaliya, ayaa haddana Maraykanku waxa uu markale ku celinayaa in uu sibuuxda u taageerayo dadka Soomaaliyeed” sidaasi waxaa Warmurtiyeed ku sheegay David Cohen oo ah kuxigeenka Xoghayaha Maaliyadda ee Argagixisada iyo Dhaqaalaha Sirdoonka Mareykanka.

Warakan waxaa sidoo kale lagu xusay in la bartilmaameed san doono goobaha ay Al- Shabaab ka soo saaraan Duxusha iyo sidoo kale dadka Ajaanibta ah oo la tuhunsanyahay inay xiriir la leeyihiin Al-qaacidda iyo Al-Shabaab.

COMMENTS