Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Johnnie Carson ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda dalka Maraykanka booqahso ku jooga iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Hillary Clinton ay isweydaarsan doonaan qoraalo dimblomaasiyadeed Khamiista maanta ah si ay u caddeeyaan xiriirka cusub.
Mr. Carson ayaa sheegay in dawladda cusubi ay horumar muuqda ka sameysay dejinta dalka iyo ka guul helidda ururka Islaamiga ah ee al-Shabab.
Xoogagga Midowga Afrika iyo kuwa Soomaalida ayaa magaalooyinka waaweyn ka saaray dagaalyahaniinta Alshabab, hase yeeshee, ururku waxa uu wali maamulaa dhul balaaran oo ka mid ah dalka Somalia.
Carson ayaa sheegay in xiriirka Maraykanka iyo Somalia uuna wali u dhaweyn sidii uu ahaa markii kooxihii hubeysnaa ay soo rideen dayuuradihii Maraykanka sanadkii 1993kii.