June 15, 2015 | Posted by admin

C206F7A0-01C2-4EC4-8A0C-81C9F659EE27_w268_r1_cx0_cy1_cw0
Mareykanka ayaa ku biirey wadamada ku baaqaya in ay South Africa ay xirto madaxweynaha Sudan Cumar Xasan AL-BAshiir, oo loo heysto dacwad mudaba soo taagneyd oo ah danbiyo dagaal iyo kuwo bani’aadanimo isagoo halkaas u tegey inuu ka qeybgalo shirka madaxda Africa.

Afhayeenka wasaarada arrimaha dibada John Kirby ayaa sheegey in inkastoo Mareykanka aanu qeyb ka aheyn wadamadiis axiixey Cahdigii Roma ee maxkamada danbiyada caalamiga ah ee ICC, hadana ay si weyn u taageerayaan in qof walba lagula xisaabtamo danbiyada xasuuq iyo kuwa dagaal ee uu galo.

Waxa ay Mareykanku ugu baaqeen dowlada South Africa in ay ka hor istaagto madaxweyne Albashiir inuu dalkeeda ka baxo.

ICC ayaa ku eedeysey Mr. LAbashiir 10 danbi oo uu ka mid yahay xasuuq, danbiyo dagaal iyo danbiyo ka dhan ah bani’aadanimada, isagoo ciidamada dowlada iyo carab uu hubeeyey u direy gobolka Darfur si ay cagta u mariyaan kacdoon ka dhacaayey Darfur sanadkii 2003da.

Shaley oo Axad aheyd ayaa xaakim reer Koofur Africa ah waxa uu amrey in masuuliyiinta dalkaas ay ka hor istaagaan Al –Bashiir inuu ka baxo dalka Koofur Africa.

COMMENTS