October 19, 2012 | Posted by admin


Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maraakiib dagaal iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka ay ku soo dhowaadeen xeebta degmada Hobyo ee gobolkaasi.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka Hobyo ayaa warbaahinta  u sheegay in maraakiibta u jooga xeebaha Soomaaliya la dagaallanka burcad badeedda ay ku soo kordheen xeebaha degmada Hobyo, iyadoo maalintii labaad hawada lagu arkayay diyaaradaha Helicopters-ka oo dul-heehaabaya magaaladaas.
Shariif Wadaad Cadde oo ka mid ah dadka ku dhaqan Hobyo ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay in markab dagaal uu ku soo dhowaaday xeebta degmadaasi, iyadoo dooni uu ku keenay wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Dhagay kaasi oo muddo dhowr bilood ah lagu hayay gudaha mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.
Wiilka dhallinyarada ah ayaa ka mid ahaa koox burcad badeed oo dabayaaqadii sanadkii tegay laga qabtay badweynta, iyadoo siddeed kale oo lala qabtayna lagu hayo maraakiibta la dagaallanka kooxahaasi ee jooga xeebaha Soomaaliya.
Maalmihii ugu dambeeyay xeebta magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa la sheegay inay si aad ah ugu soo dhowaanayeen maraakiibta la dagaallanka kooxaha burcad badeedda, taasi oo cabsi xooggan ku abuurtay dadweynaha ku dhaqan magaaladaas.

COMMENTS