April 25, 2012 | Posted by admin

Soomaaliya iyo siyaasada  Guracan

Soomaalidu waa Shacab Muslimiin ah Soomaali ah waligood Muslimiin soo ahaa lagu yaqaanay Wadaniyad,wax qabad ,ixtiraam soo dhaweeyn iyo Nabad ka shaqeyn ,xilkasnimo isku tanaasul lagu yaqiinay , walaalnimo dhab ah, iscafis iyo iskaa shi wada shaqeyn hormar iyo is afgrasho lagu yaqiinay, wada noolaansho, isku naxariisasho, is dhex gal wanaagsan, waxey aheyn dal hal Aragti wada leh Hal dareen wada leh,hal u jeedo wada Leh , Islana gartay  dantoooda guud taas oo ah nabaddgalyo ,  xasiloooni iyo  hormar kuwada  noolaayeen mudo dheer  ,  noloshoodu ku tiirsanayd  qaybo kala duwan oo magaalo iyo  baadiyeba leh   xoola iyo wax soo saar kala duwan  lahaa oo ay ku caan ahaayeen   mudooyinkii hore.

Soomaaliya Shalay iyo Maanta ?

Soomaaliya waxay shalay aheyd dal Xor ah u madax banaan siyaasadiisa Arimaha Gudaha iyo tiisa Arimaha Dibada,Madaxdiisu u madax banaanayeen masiiirka ay dalkooda iyo dadkooda  marinayaan Soomaaliya waxaa soo maray Dowlado lagu yaqiinay hormarinta dalka, dadka iyo deegaanka si guud,gaarsiinta daryeeel caafimad iyo mid waxbarasha umada sidee u dhantahay waxay u taagnaayeen Dal difaacid, iyo ilaalinta maslaxda u qaaska ah  dalkeena iyo tan iyagoo dhexdooda iyo deriskooda  nabad gelyo kulana  noolaa Soomaaliya waxay ka qayb  qaadatay  xornimo  u raadinta wadamo badan oo Afrikaan ah  iyo Tan Aduunka kale  sidaan ognahay Somalia waxey u doodi jirtay Dadka reer falastiin oo lagu gardarooday dhulkooda iyo sumcadooda bini aadanimo Mawqifka shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed mar waliba wuu cadaaa in mar waliba la tageeraa dadka reer falastiin sidee uga xoroobi lahayeen dadka dhulkooda boobay calaamkuna wada ogyahay, Soomaaliya sidoo kale waxay u doodi jirtay dadka madowga ah oo u dhashay  dalka South Africa in heylaan xuquuqdooda wadankoodana Gumeystuhu uu ka tago dadka wadanka u dhashayna la siiyo xuquuqdooda Madaniga ah iyo xuquuqda Siyaasadeedba, Soomaaliya sidoo kale waxey ka mid aheyd dowladihii u codeeyay in Dowlada Shiinaha ay ka mid noqoto Xubnaha Joogtada ah ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay taas oo ay   kuu muujineyso inaan laheyn  Dowlado si firfircooni leh door weyn  uga ciyaari jiray  Siyaasada calaamka  iyo dhoowrista xuquuqda Bini aadanka !

Soomaalida maanta ?

Somalia Maanta wali wa dal xor ah oo aan si toos ah Gumeysi ugu jirin  laakin si dadban ugu jiro gumeysiga nooca loo yaqaano “Neocolonialism”  taas oo ah in Dal madax banaan si dadban gumeysi loo galiyo ayadoo looga faaiideysanaayo booska uu maanta ka taaganyahay aduunka iyo Dhaqaale darrada laguna maamulaayo Dhaqaalaha la siiyo ayadoona gusmeysiga Noocan ah aanu ku koobneen Soomaaliya oo kaliya ee Dunida inteeda badan haba u badnaadanee Dalalka Qaarada Africa ku yaalo ,Dowlad African ah oo aan ka helin Taageero Dhaqaale ama Mashruucyo waxbarasho ama caafimad ah Heyadaha kala duwan ee Qaramada midoobay sida UNDP.WHO.,WFP,IWM, ma jirto balse Fara galinta lagu haayo dowladahaas ayaa heer kala leh hadba waa inta ay la egtahay Quwada Dowladaasi iyo dakhliga ka soo gala dalkeeda gudahiisa sida ayaa keentay in la dareemaa fara galinta baaxada weyn ee  dowladaha soo mara Soomaaliya burburkii ka dib maxa yeelay ma jiro dakhli wadanka gudahiisa ka so galaa awood isku filnaanshana  malahan oo ay dadkii ugu adeegtaa marka wa in Umadeenu fahantaa oo ay ka wada shaqeeyaan  wadada Aqoonta  iyo xikmad,Nabad galyada ,wadaniyada ay ku jirto oo aan ku badbaadin karnaa siyaasada dalkeena taas oo ah meesha  masiirka umadda laga hago ! taas oo inoo keeni karta  Hogaan fiican iyo dadnimo , sharaf ,Xoriyad  shacab iyo hormar bulsheed !

Cawaaqibta hortaagan Shacabka

Shacabka Soomaaliyeed waxey si dhab ah wali u qaadan  fikradihii wadankeena Soomaaliya lagu dhisay taas oo aheyd Shacab Midaysan,bulsho hal aragti leh,ummad u wada taagan  ineey ka wada shaqeyaaan dantoooda guud dhexdoodana isla fahmaan badbaadinta dalkooda iyo dadkooda , oo aysan sad bursi iyo dano gaar ah ka shaqeyntooda ku dadaalin, Dhalinyaradii oo ah Indhaha shacabka ahaa awooda dalka ahaa , oo ayagana nasiib xumo kaalintoodii ka soo bixi wayay safka hore ka galay dalkii dumintiiisi ilaa hadana ee ayaga duminayaan ,Waalidiintiina dadaal aad u dheer ah uma galin oo uu waalid walba ilmaha u dhalaa dalka iyo dadka ka qabtaa haduu uu dhib ku yahaya jiritaanka dalka iyo dadkaba , Waxaan Noqonay Bulsho waxey ku hadleyso iyo waxey qabaneyso isla laheyn,Allah SWTC waxaan dhahnaa o wanag ah oo aan dad kale ku dhaleeceyneyno ineysan cadaalad falin ineey xoolihii umada cuneyn iyo dalkii gateen Anaga dib inoogu imtixanaayo ilaah swtc oo fiirinaayo in waxan leenahay ficil ahaan nolasheenu ku saleysantahay oo aan sameyneyno taasna wey cadahay inaan sameyn markee annaga Talada nagu timaado oo aan naqaano kaliya dhaleeceynta dad kale hadii aan ahaan laheyn Umad waxey dhahdaa o wanaag ah Fashaa ama ku dhaqanta  ma aanan gali laheyn liiska ugu horeeyo wadamada aduunka ugu Musuqmaasuqa badan wa nasiib darro annago dad Muslimiin ah inaan ka mid noqono dadka ugu cadaalada xun caalamka  ka mid noqonayaa waa wax aad u xun  Ilaahey Ha inoo hagaajiyo dhalinyarada,iyo shacabka gabi ahaantiisaba !

Gabgabo iyo Gunaanad

Waad Aragtaan Marxalada Ddalkeena iyo dadkeenaa ay ku suganyihin Soomaaliyeey dhaleeceyn iyo in dhexdeena aan isku mashquulnaa aan ka gudubnimo ficilkuna waxuu hadlaaa in erayada ka maqal dheer marka waxa loo bahanyahay wa wax qabasho fara galin toos ah oo aan dadkeenii iyo dalkeeni ku sameysanaa Islana fahanaa  cadawga banaanka inaga joogaa kan Gudaha jooga inooga daran Soomaali maanta cadawga ugu horeeyo aan leenahay waa Nafteena uun aan ka dhabeyno inuu isla lahadaan hadalkeena iyo ficilkeena Soomaaliya markan maqalno Ha noolaato waa dhahnaa sida muuqatana Afka uun ayee ku koobantahay  waa hadii aan rabnaa Soomaalida oo mid ah iyo dalkii oo dowladnimo iyo maamul qeybsan oo cid waliba qeyb ka tahay inaan helnaa Muhiumadna aan siinaa wadadii lagu helilahaa hadii ay wanaagsantahay wadada aan ku raadineyno nabad galyo iyo xasilooni wado Fiican Natiijadana wey fiicnaneysa waxana xaqiiq ah in Siyaasada Hagardaamada ah dalka iyo dadkaba lagu haayo annaga qeyb aan ka nahay oo hadii aan Soomaali nahay annaga fududeyno hergalinta Siyaasada xaqiraada iyo xisdiga ku dheehan Xalkiiina Annaga gacanta ku heyno ileyn Kitaabka Alle aya gacanta ku heynaa oo Habab Nolaleyd dhameystiran ah oo xal waliba oo Dalkeena iyo dadkeena doonayaan laga helaayo balse wa in la isla fahmaa sida loo dabaqayo xalkaas iyo dariiiqa loo maraayo waxii ku aadana sameynta Dowlad Tayyo dowladnimo leh iyo kala danbeyntii iyo wax so saar  taas waxey ku xerantahay Aqoonyahanada dalka u leeyahay oo ku Taqasusay Mamuulka Heyadaha Dowliga ah iyo maareeynta Dhaqliga dalka ruux walibana lagu ixtiraama waxuu ku fiicanyahay lana siiya fursad oo shaqadiisa ku gutaa si dhan waliba  dhameystir fiican iyo Natiijooyin fiican noogu soo baxaan Soomaaliyeey,Xuquuqdeena inaan helnaa waxa ka horeysa inaan waajibaadka naga saaran dalka iyo dadka ka soo baxnaa markaas ayan xuquuqdeena heli karnaa Somaliyeey ! Allah Towfiiqda hana Wafajiyo Amni iyo xasiilooni dalkeena haku soo dabaaalo Aaamiin

Waxaa Qoray

Abdirisaq Mohamed Sabriye

COMMENTS