Maleeshiyada Shabaab ayaa beelaha ku nool gobolka jubada Hoose ka qaadaya hanti iyo dhallinyaro loo adeegsado dagaalka ay ka hurinayaan dalka Soomaaliya.
Wararka laga helayo deegaannada hoos taga gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaab ay shiriyeen odayaasha dhaqanka beelaha iyo ganacsatada deegaanka, ayagoo u sheegay in beel walba laga rabo in ay Hanti iyo carruurba ku taageerto dagaalka ay hurinayaan.
Xildhibaan Maxamed Geedi oo ka tirsan barlamaanka ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Shabaab ay beelaha qaar weydiisteen in ay bixiyaan Boqol halaad oo geel ah iyo sidoo kale Boqol wiil oo ka qeyb gasha dagaalka ay wadaan.
Sidoo kale beelaha qar ayay ku amreen in ay bixiyaan 200 oo Lo’ ah iyo sidoo kale dhallinyaro dagaalka gasha, isagoo sheegay in beelaha yaryar ay u sheegeen in ay bixiyaan 10 kun oo dollar iyo dhallinyaro dagaallanta.

All Posts











