March 22, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Wararka ka imaanaya degmada Xudur ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya kaabiga ku hayaan degmada Xudur, kadib markii xalay ay degmadaas faarujiyeen maleeshiyada Shabaab.

Sida wararku sheegayaan dagaalo culus oo shalay gelinkii dambe ka dhacay duleedka degmada Xudur ayaa sabab u ahaa in Shabaab faarujiyaan degmada Xudur.

Gudoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Macalin ayaa sheegay in degmada Xudur ay kaabiga ku hayaan, ayna u jiraan ilaa 5-KM, waxaana uu tibaaxay in ujeedkooda yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen.

Dadka deegaanka ayaa cabsi iyo wal wal la soo deristay, waxaana degmada Xudur tahay mid aan wax maamul ah ka jirin oo gebi ahaanba haawaneysa.

Ciidamada huwanta ayaa suura gal ah in saacado kasta ay gudaha u galaan degmada, inkastoo wali duleedka degmadaas ka wadaan howlo miino baaris.

Al-Shabaab ayaa u baxsaday dhanka degmada Waajid oo la sheegay in ciidamadooda ugu badan ay ku sugan yihiin, iyadoo suura gal tahay inay soo rogaal celiyaan.

Maalinimadii shalay ayay aheyd markii ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ku wajahnaa Gobolka Bakool.

COMMENTS
  1. Ali aden said:

    Waa in laga saaraa al shabaab dhamaan deg mooyinka dalka