January 29, 2013 | Posted by admin


Maleeshiyaad Al-Shabaab ayaa dad hor leh oo ay ku jiraan nabadoono caan ah ku xirxiray degaano ka tirsan gobolka Galgududd ee bartamaha Soomaaliya.

Iyadoo ay sii kordhayaan mcadaadiska iyo dhibaatada ay maleeshiyaadka Shabaab ku hayaan shacabka ku nool deegaanada ay weli dalka kaga harsanyihiin, ayaa waxaa maalintii Todobaad xabsiga degmada Ceelbuur ku jira Sadex Nabadoon iyo Ugaas Ciise kadib markii ay ku gacan seyreen in ay keenaan dhalinyaro u dagaalanta iyo dhaqaale ay ka soo ururiyaan dadka deegaanka.

Sidoo kale deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa weli ku xiran Nabadoono kale oo caan ka ah deegankaasi, kuwaas maleeshiyaadku u xireen markii ay ka dhega adeygeen amarka maleeshiyaadka oo ahaa in ay keenaan dhalinyaro ay u adeegsadaan dagaalada Fidnada ah oo ay ka wadaan dalkeena.

Dhinaca kale maleeshiyaadka Alqaacida ayaa deegaanadaasi ka bilaabay qafaalka dhalinyarada iyo boobka hantida shacabka, kadib markii ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ay ka xoreeyeen inta badan gobolada dalka.

Dadka ku nool deegaanadaasi ayaa wakaac ka muujiyay xariga nabadoonadaasi iyagoo ka dalbaday dowlada in ay ka dulqaado manaxayaasha Alqaacida oo maalin iyo habeen kula kaca falal naxdin oo an hore loo arag.

COMMENTS