September 2, 2010 | Posted by Duhur

Maleyshiyada kooxda Shabaab ayaa magaalada Marka ka bilaabay qorshe ay lacago uga uruurinayaan dadka xarumaha ganacsi ku leh magaalada Marka iyagoo dadka xanuunka Aids-ka qaba ee lagu daaweeyo Cisbitaalka Marka ka codsaday in ay is Qarxiyaan.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa magaalada Marka ka bilaabay in dadka ku dhaqan Magaaladaasi ay qof qof uga qaadaan lacago baad ah waxeyna sidoo kale goobaha ganacsiga ku amreen in ay bixiyaan lacago cayiman oo ay doonayaan in ay ku sii huriyaan colaada ay ka wadaan gudaha dalka.

Horjoogayaal ka tirsan Shabaab ayaa sidoo kale qaar ka mid ah Masaajida ku yaala Marka ka bilaabay in ay lacago baad ah weydiiyaan jamaacada ku Dukada Masaajidaasi, iyagoo ugu hanjabay in cidii bixin weyda lacagta laga qaadi doono talaabo adag, sida ay muujinayan Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, waxaana Horjoogayaasha Shabaab oo booqday Xarun lagu daweeyo dadka qaba cudurka AIDS-ka ay dadka qaba cudurkaasi ka codsadeen in ay isqarxiyaan maadaama aan cudurkooda la daweeyn Karin.

Dhanka kale maleshiyaadka Shabaab ayaa Gobolada kale ee dalka ka furay xurumo ay dadka ku soo ururiyaan Zakatul Fitriga, iyagoo dadka u sheegay in zekadasi aan la siin Karin dadka danyarta ah ee aan waxba heysan.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa u muuqda xilgan in ay soo wajahday dhaqaalo xumi, iyagoo lacagaha iyo Zekada ay sida qasabka ah dadka uga qaadayaan, doonaya in ay u adeegsadaan dagaalada ay ku hongoobeen oo tobon maalin ka hor ay iclaamiyeen kuwaas oo ay sheegeen in ay meesha kaga saarayaan dowlada KMG ah ee Soomaaliya.

COMMENTS