June 13, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustin Mahiga oo wareysiiyay idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxu sheegay in dadka carqaladeynaya hanaanka geedi socodka Sooomaaliya loola dhaqmayo sida Al-Shabaab oo kale.

Augustin Mahiiga ayaa sheegay in hanaanka geedi socodka Soomaaliya uu yahay mid lama huraan ah islamarkaana aan loo baahnayn in la carqaladeeyo isaga oo sheegay inay jiraan dad doonay inay carqaldeeyaan.

Wuxuu sheeegay in dadka doonaya inay carqaladeeyaan hanaanka geedi socodka Soomaaliya ay isugu jiraan qab qablayaashii hore ee dagaalada iyo sidoo kale dad sida uu sheegay ku dhax dhuumanaya odayaasha dhaqanka iyo sidoo kale dad uu ku sheegay ganacsato lacag haysata.

Augustin Mahiiga ayaa sidoo kale sheegay in cidii qariirada nabadda Soomaaliya ee Road-mapka ka hortimaada loola dhaqmayo sida Al-Shabaab loola dhaqmo oo kale.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay dilalka bareerka ah ee lagula kaco suxufiyiinta ka howlgala magaalada Muqdisho ee caasimada dalka isaga oo tilmaamay in had iyo goor uu garab taagan yahay saxaafadda Soomaaliya islamarkaana uu aada uga xun yahay dhibaatooyinka ay la kulmaan suxufiyiinta.

Ugu dambeyn ayuu sheegay Augustin Mahiiga in Suxufiyiinta Soomaaliyeed ay ku dadalaan ilaalinta Sharciga Saxaafadda.

COMMENTS