Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa maanta shaaca ka qaaday in la aqbalay in tirada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya laga dhigo 275 xildhibaan, si ay qabiillada iyo jufooyinka ugu fududaato qeybsiga awoodda.
Odayaasha dhaqanka ee ku shiraya magaalada Muqdisho ayaa dhowaan soo jeediyay in sidii hore loogu qeybsaday shirkii Kenya ee lagu soo dhisay dowladda federaalka sanadkii 2004-tii loogu qeybsado xubnaha baarlamaanka cusub.
Augustine Mahiga ayaa maanta odayaasha dhaqanka kula kulmay magaalada Muqdisho isagoo sheegay si looga gudbo caqabadaha in odayaasha laga aqbalay tirada ay soo jeediyeen.
Raysul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa isna dhiciisa soo dhoweeyey go’aanka lagu kordhiyay tirada xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.
Saxiixayaasha road-map-ka ayaa horay isugu raacay in 225 mudane laga dhigo tirada baarlamaanka cusub ee ay Soomaaliya yeelanayso.




All Posts
BBC 0400 GMT









