March 9, 2012 | Posted by admin


Ma dhici kartaa Sheydaan inuu run sheego? Ma dhici kartaa in beenaaale run sheego? Mase dhici kartaa doqon inuu xikmad ku hadlo? Ma dhici kartaa inuu mahiiga Run sheego? Ma dhici kartaa Bakhiil inuu mar wax bixiyo?

Sheydaan waa dhici kartaa inuu run sheego waxaana uu daliil u ah Qisadii Abuu Hureyra markii Sheydaan sadax habeen kusoo laalaabtay waakii yiri markii dambe {waxaan ku barayaa kalimado uu illaah kuugu afanacayo ,… sheydaan kuuumasoo dhawaanayo hadii aad habeenkii markaad seexaneyso Aayatul Kursi aqriso} .. Nabiga Nabad iyo Naxariis Allaha yeelo korkiisa markii uu kala sheekeestay arintaas Abuu Hureyra waxa uu ku yiri: Markaan asaga runbuu kuu sheegay, asagoo been badane ah..

Qisadan waxay muujineysaa in ay suuragal tahay Sheydaan inuu mar run sheego, , taasna waxay muujinaysaa in ay dhici karto ruux been badan in mar uun run kasoo yeerto, waxaana arintaas la mid ah hadalka la sheegay inuu Mahiga yiri: Aala sheikh ayaa madaxtooyada afduub ku heesta..

Hadalkaas waxuu muujinayaa in Mahiga markaan ku hadlay run walow ay dhici karto inuu hadalkaan hor dhac u yahay hardan hor leh oo Mahiga ku damacsan yahay inuu dusha kasoo galiyo madaxtooyada Masuul uu soo diyaarsaday inuu Matalo Madaxweyne ahaan Mustaqbalka si meesha uu uga saaro Madaxeyne shariif oo ay ka muuqatay waayahaan inuu ku jiro Guluf weyn oo uu ku doonaayay in loo cusbooneysiiyo Jagada Madaxeynenimada.

Hadaba hadii aan kusoo laabto arinta uu ka dhawaajiyay Mahiga xaqiiq ahaan waa arin dhab ah waxaana madaxtooyada iyo xafiisyada ku dhex yaala ku hardamo kooxo wada ah Tajamuc oo markii ay umadii Soomaliyeed ka saareen madaxtooyada ayaga ka dhigtay garoon ay iskusii kala reebaan.

Waxaa kaloo xasuusin mudan Urarkan Tajamuc xubno ka tirsan inay xataa Wazaaradaha doowlada oo dhan ka yihiin aagasimayaal si ay Dowlada si toos ah iyo si dadban ugu maamulaan, ayagoo weliba sidoo kale Ururkan gacanta ku dhigay Waaxda nabad sugida Doowlada, waxaana intaas sii dheer in ay si aan xishood laheyn ugu takri faleen deeqihii waxbarashada ee magaca Shacabka Soomaliyeed lagu keenay.

Hadii aysan arinta uu sheegay Mahiga wax ka jirina maxaa karka ka keenay Sheekha Gudoomiya u ah tajamuc Axmad dhicisow asagoo Mahiga Dhaliilo farabadan oo uusan horey uga sheegi jirin hada ka sheegaya? Hadiise uusan hadalka Mahiga been yahay Madaxweyne shariif maxaa keenay inuu ka hadlo hadana hadal faahfaahsan ka dhihi waayo????

Sidaa darteed ayaan qormadeydaan kusoo gaba gabeynayaa Mahiga haba been badnaadee markaan run ayuu ka hadlay, waxaana arinta Tajamuc iyo iskugaar yeelida Maamulka Dalka iyo ku tumashadooda Xuquuqdii doowladnimo ay muujineysaa Soomaliya inaysan weli ka waantoobin Qabyaalad iyo Kooxeysi taasoo sababi doonta xataa hadii kooxaha Mucaaradka hubeysan laga adkaado inuusan Dalka dagi doonin, ayadoo taasna fursad usii ahaan doonta faragalinta shisheeyaha inay sii taagnaan doonto ilaa waqti aan xad laheyn ayagoo hadana caleema saari doono Xizbi kale sida Ahlu-Sunah nimanka labaxay ama Landka iyo Stateska kuwa sheegta..
Cusmaan War-Cade
[email protected]

COMMENTS