April 13, 2014 | Posted by admin

Waxaa Habeenimadii Jimcaha ee lasoo dhaafay Magaalada Minneopolis ee Dalka Mareykanka lagu dilay Dilay Wiil iyo Gabar Soomaali ah , kuwaa oon wali la aqoonsan cida dilkooda ka dambeysa iyo sababta loo dilay.

Xafiiska Baaritaanka Caafimaadka ee Magaalada Minneopolis ee Dalka Mareykanka ayaa xaqiijiyay dilka loo geestay Wiil iyo Gabar Soomaali ah ,kuwaa oo lagu dhax dilay gaari ay wateen oo marayay Wadada E Lake Street ee Magaalada Minneopolis .

Afhayeen u hadlay Ciidamada Booliiska ee Magaalada Minneopolis ayaa soo bandhigay magacyada labada qof ee Soomaalida ah ee la dilay, kuwaa oo lagu kala magacaabo Daahir Ahmed Cabdi Raxmaan oo 29-sano jir ahaa iyo Tahani Abdi Omar oo iyana 24-sano jir aheed.

Afhayeenka ayaa sheegay in la maqlay dhawaqa Rasaasta lagu dilay labadan qof kahor inta aysan Ciidanka Booliisa halkaasi gaarin , waxa uuna tilmaamay markii ciidanku gaareen goobtaasi in ay ugu tageen Wiil iyo Gabar Soomaali ah oo lagu dhax dilay gaarigii ay wateen.

Booliiska ma bixin faah faahin ku aadan cida dishay labadan ruux ee asalkoodu Soomaaliga yahay , mana la shaacin wali in la qabtay iyo in kale Kooxihii ka dambeeyay Dilka loo geestay labadan Ruux ee Soomaalida ah oo xiliga la dilayay wada socday.

COMMENTS