DUHUR-Iyadoo Bankiga Aduunka uu dhawaan soo saaray Warbixin uu ugu hadlayay Daqliga Maaliyeed ee soo galay Dowlada Federalka KMG ee Soomaaliya Sanadkii 2009 – 2010, ayaa waxaa soo if baxday Lunsasho Hanti Qaran, taasi oo ay ku lug yeesheen Madax sare oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.
Warbixinta oo aheyd Baaritaan Maaliyadeed oo lagu sameeyay dakhligii iyo deeqihii Maaliyeed ee soo galay Dowlada KMG ayaa lagu soo beegay xiili uu qabsoomayay Shirkii kusoo gaba gaboobay Istanbuul.

Bankiga Adduunka ayaa waxa uu sheegay dabagal uu sameeyay ka dib in ay ku ogaadeen in sanadkii 2009, Dawladda KMG ee Soomaaliya soo gashay lacag gaareesa $94 million, balse Madaxda Dowlada KMG ay sheegeen in ay soo gashay $11 million oo keliy, ayna halkaasi ku maqan tahay aduun dhan $83 million.
Baaritaanka ay sameesay World Bank ayaa sidoo kale waxa ay ku ogaatay in sanadkii 2010, Dowlada KMG ee Soomaaliya soo gashay lacag gaareesa $70 million, balse Madaxda Dowlada ay ku sheegeen in ay soo gashay lacag dhan $22 million, sidoo kale ay halkaasi ku maqnaatay lacag dhan $48 million.
Hantida Maqan ee soo gashay Dowlada KMG ayaa lagu sheegay isku geyn in ay gaareeso $131 million, oo la sheegay in ay Hayed Hanti gudaha ka timid kuwo kasoo xarooday deeqo ay bixiyeen dalal ka mid ah kuwa Carabta.
Bankiga Aduunka ayaa sidoo kale Madaxda Dowlada Federalka KMG ku eedeeyay in aysan xil weyn oo mas’uuliyadeed iska saarin daqliga kasoo xarooda dalka Soomaaliya, balse hadii ay taasi, isku xil saari lahaayeen la sheegay in daqliga 2009, kasoo xaroon lahaa dalka soomaaliya ay gaari laheyd $155 million, halka Sanadkii 2010 lagu sheegay in ay gaari laheyd $156 million.
Kooxda Baaritaanka ku sameesay Daqliga soo galay Dowlada iyo kuwa ku maqan ayaa sheegay in lunsashada lacagaha Maqan ay ka danbeeyeen Mas’uuliyeen ka tirsanaa Xukuumadii Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.
Bankiga Aduunka ayaa soo bandhigay Magacyada illaa iyo 6-Xubnoo oo lagu eedeeyay in ay Lunsadeen lacagahaasi.
• Madaxweynaha Dowlada Federalka KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed
• Wasiirkii Hore ee Maaliyada Xukuumadii Cumar C/rashiid, xilligaana Ah Guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan
• Wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadii Cumar C/rashiid, C/risaaq Cusmaan Xasan [Jurrille].
• Wasiirkii hore ee Kuluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, C/raxmaan Xaaji Aadan [Ibbi].
• Wasiirkii hore ee Ganacsiga Xukuumadii C/rashiid, C/rashiid Maxamed Haashi [Cirro].
• Wasiirkii hore ee Dekkadaha Xukuumadii Sharmaarke, Maxamed Ibraahim Xaabsade.
“In practice, it appears that certain officials in specific offices and authorities were vested with the power to collect and distribute revenue. During 2009-10 the following positions were some of those held:
• Shariff Hassan, Minister of Finance & Deputy Prime Minister (now Speaker of the TFP)
• Shariff Ahmed (now President of the TFG)
• Abdirazak Osman Hassan, Minister for Post and Telecommunication
• Abdirahman Haji Adan Ibrahim, Minister for Fisheries and Marine Resources
• Abdirashid Mohamed Hashi, Minister for Commerce
• Muhammad Ibrahim, Minister of Ports and Marine Transport .”

All Posts
BBC 0400 GMT









ASALAAMU ALEYKUM
WAAN AKHRIYEY QORAALKA . WAANA WAX DHCI KARA LAAKIIN KUWA WAXBAADHAYA LAFTOODA MISDAAQIYADOODA (credibility) YAA HUBA . MISE DAN BEEY KALAHAAYEEN RAGAN AAY SHEEGEEYN . DANAHII AYAA LAGA GAADHEY. MAXAAY MAR HORE USHEEGI WAAYEEN . HANTIDA SOOMAALIYA OO GAADHA SANADKII BILIOINSKA LAGA GURTA XEEBAHAYAGA MAXAA LOOGU DARI WAAYEY? JUST LIKE I SAID BEFORE ” FILM CARTOOM” BUSH WENT OBAMA CONDEM. XATTAA HADAAY SAX TAHAY WAABA HANTI NIN SOOMAALI LUMSADAY XASAASI KAMA QABNA . MAADAAMA AAY QABTEEYN WAX LA.TAABAN KARA UGU DANBENTII
YAAY WATAAN OOY U OLELEEYNAYAAN BANGIGANI?
WAXASE UQAMAN ADOONKA HAL… DHIBKA SOOMAALIYA KA DHACA MAADAAMA UU ADUUUNKA SAAMEEYNAYA DHAMAAN . WELIBA CID WALBA SAAMEEYN ,INEEY IS BADH QABTAAN. FARAHA KALA BAXAAN ODHAN MAAYA WAX HANOO QABTAAN . ANAGA AYAA ISKU FILAN
AMMA LABADAN SHARIIF WALAALAYAAL U NAXA DADKIINA & DALKIINA WAXA LAGA YAABA WAXII LA IDINKA DOONAYEY IN LA IDINKA GAADHEY AYADOOO LA IDIN LEEYAHAY WAXBAAN ISIN;LA WADNAA . IN AAY LA HESHIIYEEY KUWA CUSUB . JUST LIKE WHEN YOU MARRY WIFE.. KUWAN CADAWGA AH MAANTA MALAGA YAABA INAAY NOQDAAY WEHELKA BERI. MARKII LA IDINKA TASHTO