July 28, 2014 | Posted by admin

Magaalooyiin badan oo ka tirsan caalamka ayaa maanta looga dabaal degayaa ciidul fitriga, magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kamid ah meelaha sida weyn looga ciidayo.
Wariyaha Duhur.com oo ku sugan xaafadda ay Soomaalidu degto ee Islii (Eastleigh) ee magaalada Nairobi ayaa soo sheegaya in kumanaan dad ah oo u badan Soomaali ay isugu soo baxeen fagaarayaasha waaweyn ee xaafadda.
Dadka oo wajiyadooda ay ka muuqato farxad aad u sarreysa ayaa is dhaafsanaya erayo ay kamid yihiin Ciid wanaagsan.
Geeddow ayaa intaasi ku daray in dad aad u tira badan ay tukadeen Labada rakaco ee salaadda ciidda.
Meelaha ay dadku ku tukadeen salaadda Ciidda waxaa kamid ah fagaaraha dugsiga Pwani, Eastleigh High School, Sir Ali Club iyo meelo kale.

COMMENTS